Dadka reer Galmudug oo la faray in ay ka fogaadaan goobaha ay Shabaab maamulaan

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dadka reer Galmudug ugu yeeray in ay isaga fogaadaan dhulka ay maleeshiyada Al Shabaab ka maamulaan Gobolada Dhexe.

Gobolada Galgaduud iyo Mudug oo kale ayaa si weyn looga diyaargaroobay wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyadaasi.

Taliska Qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay bilaaban doonaan hawlgal wadajir ah oo Shabaabka lagaga saarayo deegaanada Galmudug.

Bashiir Cumar Cabdullaahi oo isna ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Kumaandooska Gorgor ayaa shacabka faray in ay isaga fogaadaan deegaanada ay ku harsan yihiin Al Shabaab, gaar ahaan deegaanada ku dhow dhow Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

"Shacabka Soomaaliyeed iyo dadka deegaanka reer Galcad iyo hareeraheeda in ay ka fogaadaan argagixisada, in ay ka fogaadaan goobaha cadowgu ku sugan yahay, waan bartilmaameedsanaynaa, waana raacadeysanaynaa. Ma rabno shacabkeenna Soomaaliyeed aan dhiiggeenna u daadinayno inay wax gaaraan, inaan wax u tarno ma ahee." Ayuu yiri Bashiir Cumar.

Bashiir Cumar ayaa yiri "Sidaasi darteed shacabka Soomaaliyeed cadowga haka fogaadaan, yeysan la macaamilin, yeysan la xiriirin, yeysan u dhawaanin, taana waxaan rabaa farriintaas inaan u mariyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Galcad."

Ciidamada ku sugan aagga Degmada Galcad ayaa lagu wadaa inay ka qayb qaataan gulufka la doonayo in Shabaabka lagaga saaro Magaalooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri.

Dhanka kale Saraakiisha Ciidamada Mareykanka iyo Turkiga ee dalka ka hawlgala ayaa la sheegaya in ay isu diyaarinayaan, sidii ay weeraro dhanka cirka ah uga gaysan lahaayeen dhulka la doonayo in laga saaro maleeshiyada Shabaabka.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee labadan dal ayaa la filayaa in ay garaacaan difaacyada loo arko inay ciidamada ku adkaatay, sidii ay kaga gudbi lahaayeen.

Shabaabka ayaa la sheegay inay difaacyo adag ka sameysteen deeganada Cowsweyne iyo Wabxo, waana dhufeysyada hore ee ay ka difaacayaan Ceelbuur.

Wejiga labaad ee hawlgalka ayaa ka cuslaan doono midkii hore, iyadoona ay Dowladda Federaalka dooneyso in muddo kooban lagu soo afjaro Shabaabka Gobolada Dhexe.