Dadka reer Muqdisho oo waaga uu u baryay, iyadoo ay xabaddu socoto

Bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayuu saaka waaga u baryay, iyadoo weli uu magaaladaasi ka socdo dagaalka saqdii dhexe ee xalay ka qarxay ee u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo maleeshiyada taabacsan Siyaasiyiinta Mucaaradka.
Dagaalka oo markii hore ka bilowday xaafadda Barmuuda ee qaybta Degmada Howlwadaag oo uu degan yahay Ex Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ku fiday dhinaca Degmada Cabdicasiis, halkaas oo Ciidamada Qalabka Sida ay kula dagaalamayaan xoogag taageersan Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda ayaa ciidamo fara-badan ku soo daadiyay waddooyinka magaalada qaarkood, gaar ahaan goobaha uu dagaalku ka socdo, si looga hortago gurmadyada dibadda uga iman kara dhinacyada halkaasi lagu la dagaalamayo.
Dadka ku dhaqan magaalada ayaa soo sheegaya in ay maqlayaan rasaasta qoryaha fudud, sabano ama baasuukeyaal iyo hoobiyeyaal ku soo dhacaya xaafadaha qaar.
Waalidiin gacmaha ku wata ubadkooda ayaa la arkayaa, iyagoo lugeynaya waddooyinka magaalada, kana baxsanaya dagaalka. Qoysaska ayaa badbaado u doonanaya goobaha ka baxsan aagagga dagaalka.
Dagaalkan ayaa daba socdo iska horimaadyo hubeysan oo shalay galab illaa xalay fiidkii si goos goos ah uga socday qaybo ka mid ah bartamaha iyo waqooyiga magaalada.
Xaaladda cakiran ee ka jirta Muqdisho ayaan saamaxeyn in Siyaasiyiinta Mucaaradka ay maanta magaalada ka dhigaan mudaaharaadka ay bishii May iclaamiyeen inay 4-ta bisha June oo Khamiistan ah ka qaban doonaan Muqdisho.
Dadka reer Muqdisho ayaa dareemaya inaanan la joogin marxalad ay kaga hadli karaan ka qaybgalka bannaanbax, oo waxayba in badan oo ka mid ah ka fekerayaan, sidii ay ku heli lahaayeen goobo ay ku badbaadi karaan.
Xaaladda amni ee Muqdisho ayaa ah mid xasaasi ah, waxayna shacabku wajahayaan cabsida la xiriirta dagaalka magaalada ku dhex maraya dhinacyada iska soo horjeeda.
Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda Somaliya ayaad mooddaa in aysan waxba ka baran muddadii dhowr iyo soddonka sano ee burburka.


