Dadka sida xun ugu dhaawacmay qaraxii Beledweyne oo la keenay Muqdisho
Dadka sida xun ugu dhaawacmay qaraxii Sabtidii ka dhacay Magaalada Beledweyne ayaa la soo gaarsiiyay goobaha caafimaadka ee Magaalada Muqdisho.
Lix iyo toban qof ayaa caweyskii xalay laga qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur, kuwaa oo laga dejiyay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Bukaanadan oo isugu jira carruur, dumar iyo dhallinyaro ayaa loo arkay in ay qabaan dhaawacyada ugu daran, waxaana Garoonka Aadan Cadde uga hortegay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno kale oo ka tirsan Hay'adda SODMA, oo uu horkacayo Agaasimaha Waaxda Caafimaadka & Wacyigelinta Bulshada, Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed (Fanax).
Gaadiidka Gurmadka Degdegga oo lagu diyaariyay Garoonka Aadan Cadde ayaa bukaanada u kala qaaday xarumihii caafimaad ee la qorsheeyay in la geeyo.
Wararka ayaa sheegaya in inta badan bukaanada la dhigay Isbitaalka Erdogan, si halkaasi wax looga qabto xaaladooda caafimaad.
Hay'adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SODMA oo kaashaneysa Hay'adda UNSOS ayaa dhaawacyada diyaarad helicopter ah kaga soo qaaday Beledweyne.
Agaasimaa Guud ee Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka HIrshabelle, Cabdifitaax Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in 40 qof ay ku dhaawacmeen qaraxaasi.
Agaasimaha ayaa sheegay in bukaanada loo qaaday Muqdisho mooyee intii kale in xaaladooda lagu la tacaalayo goobaha caafimaadka ee Magaalada Beledweyne.
Dhanka kale Xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ayaa la sheegay in dawo uu gaarsiiyay xarumaha caafimaadka ee Beledweyne.
Illaa labaatan qof ayaa la ogyahay in ay ku dhinteen qaraxaasi, oo aanay jirin cid weli masuuliyaddiisu sheegatay.












