Dadweyne fara-badan oo isugu soo baxay aagga Hotel Pearl Beach 

Dadweyne fara-badan ayaa maanta isugu soo baxay afaafka hore ee Hotel Pearl Beach ee Magaalada Muqdisho, kuwaa oo baadigoob ugu jira xubno ka mida eheladooda, oo nolol iyo geeri aanay midna ku haynin.

Dadkan ayaa sheegay in tan iyo markii uu xalay dhacay weerarkii hotelkaasi ay magaalada ka baadigoobayeen xubnaha eheladooda.

Qaarkood ayaa waxay sheegeen in markii ugu war dambeysay ay ku sugnaayeen hotelkaasi, ka hor intii aanay fiidnimadii xalay weerarin dableyda maleeshiyada Al Shabaab ka tirsan.

Shaqaalaha Gaadiidka Gurmadka Degdegga ayaa saakay tiro meydad iyo dhaawacyo isugu jira ka qaaday goobta uu weerarku ka dhacay.

Gaadiidka ambulance-ka ayaa la arkayay, iyagoo sii gelaya, kana baxaya dhismaha hotelkaasi.

Weerarkan ayaa argagax ku abuuray boqolaal qof oo shacab ah oo xilligii uu weerarku dhacayay waqti nasiino ah ku qaadanayay Xeebta Liido, iyadoona uu weerarku imanayo xilli ay Jimce ahayd, dadkuna ay ka nasanayeen maalmaha shaqada.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa war qoraal ah ku sheegay in weerarka ay ku dhinteen lix qof oo shacab ah, toban kalena ay ku dhaawacantay, isla-markaana ay ciidamada amniga kaga geeriyootay saddex askari.

Warka ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay hotelkaasi ka soo badbaadiyeen 84 qof oo isugu jira carruur, dumar iyo dad da' ah, intaba.