Dagaal ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay waqooyiga Galgaduud

Dagaalkan oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa maanta ka dhacay inta u dhaxeyso deegaanada Laandheer iyo Huurshe ee Gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu salka ku hayo muran ka dhashay lahaanshiyaha dhuleed, isla-markaana ay labada dhinac u soo degdeggeen, sidii uu midba midka kale uga riixan lahaa dhulka la kala sheeganayo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhinacyadu ay dagaalka isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana ay ka qayb qaateen gaadiidka dagaalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhowr iyo toban qof ay ku dhinteen dagaalkan oo gabal dhicii maanta soo gaaray, in ka badan labaatan kalena ay ku dhaawacantay.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in labada dhinac ay dhaawacyadooda kala geeyeen Magaalooyinka Caabudwaaq iyo Cadaado.

Dhinacyada ayaa weli isku horfadhiya goobihii lagu dagaalamay, mana jirto cid illaa iyo hadda kala dhex gashay.

Dagaalkan ayaa dadka deegaanka soo xusuusiyay midkii labadan beelood bishii June ee sanadkii hore ku dhex maray waqooyiga gobolkaasi.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa xilligaasi ku baaqay gogol nabadeed, oo lagu deminayo colaadda beelahaasi. Madaxweynaha oo gogoshan dhigay Magaalada Dhuusamareeb ayaan laga mira-dhalin ujeedkii laga lahaa.

Colaaddan ka soo cusboonaatay gobolka ayaa walaac xoog leh ku haysa bulshada deegaanka, iyadoo ay dadku la anfariirsan yihiin, sida ay maleeshiyaadka beeluhu isugu dilayaan dhul bannaan oo goorahan aysan muuqan in la degi doono.

Dagaal beeleedyada ayaa si joogta ah uga dhaca dalka, tani oo ay ugu wacan tahay dadka oo sharciga gacmahooda ku qaadanaya.