Dagaal ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Degmada Luuq
Wararka ka imanaya Degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta mar kale uu degmadaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo beelood.
Maleeshiyadan oo kuwo deegaanka ah ayuu saaka dagaalkooda dib uga qarxay degmadaasi, iyadoona ay xabaddu si iskeed ah u istaagtay xilligii duhurka.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inaanay jirin cid kala dhex gashay maleeshiyadaasi, oo hadda isku horfadhiya qaybo ka mida Degmada Luuq.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhinteen dad u badan kooxihii dagaalamay, inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah u xaqiijin karto tirada dhimashada.
Goobjoogeyaal ayaase sheegay inay arkayn dhimashada ugu yaraan toddobo qof oo shan ka mida ay yihiin kuwii dagaalamay iyo laba qof oo rayid ah.
Goobaha caafimaadka ayaa laga soo xigtay inay qaabileen dhaawacyada toban qof, oo ah dhinacyadii dagaalamay.
Goobjoogeyaashu waxay sheegayaan inay arkayn askar u badan kuwa militariga, oo si toos ah uga qayb qaadanaya dagaalkii maanta ka dhacay degmadaasi.
Gudoomiyaha Gobolka Gedo, Cabdullaahi Cabdi Jaamac ayaa qiray in Ciidanka Xoogga Dalka ay ku milmeen colaadda beelaha.
"Dhowr boqol oo nin oo militari ah ayaa meesha joogta. Qabiilada dagaalamaya ayayna la kala safan yihiin, ayagoo ciidamo dowladeed oo federaal ah." Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Gudoomiyaha ayaa ciidamada uga digay ku lug lahaashahooda colaadda, isla-markaana aan looga hari doonin fidnada ay hurinayaan.
"Marka arrintaas waxaan rabnay inaan uga digno, ayna ogaadaan inay tahay arrin aan dhibaatadeeda la isaga hari doonin." Ayuu yiri Gudoomiyuhu.
Gudoomiye Jaamac ayaa intaasi raaciyay "Waxaan leenahay ciidamada dagaalka haku milmina, haddii dadkaasi kala dhex geli karin, adinku xabadda dhaceysa haka mid noqonina."
Dhanka kale Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka.
Madaxweyne Kuxigeenka ayaa ugu baaqay maamulka gobolka, kan degmada, qaybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Militariga Itoobiya ee aagga ku sugan in ay xakameeyaan colaadda.
Qoysas badan oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa ku barakacay dagaalka, iyadoona dadka weli ku harsan magaalada ay qiimeynayaan xaaladda, inkastoo aysan illaa iyo hadda jirin cid kala dhex gashay dhinacyada iska soo horjeeda.
Shaqaaqooyinka saddexdii maalmood ee ugu dambeysay hareeyay Degmada Luuq ayaa ka bilaabatay dilka nin askari ahaa loogu gaystay degmadaasi.