Dagaal culus oo ka dhacay deegaanka xuduudda Gobolka Hiiraan ku yaala ee Ceel-hareeri

Wararka ka imanaya bariga Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta uu dagaal culus ka dhacay deegaanka Ceel-hareeri, oo saaran xadka uu Gobolka Hiiraan la wadaago Gobolka Shabellaha Dhexe.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay weerar qorsheysan ku soo qaadeen deegaankaasi, oo ay degan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisleyda reer Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in ka hor inta aanu dagaalka bilaaban inay maleeshiyadu deegaanka ku soo weerartay laba gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ka dibna uu xigay dagaal culus.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in boqolaal nin oo maleeshiyada Shabaabka ka tirsan ay jihooyin kala duwan ka soo weerareen deegaankaasi, isla-markaana ay dagaal ku soo galeen deegaanka.

Goobjoogeyaasha ayaa ku waramaya in dagaalku uu bilowday saakay, isla-markaana uu soo gaaray xilligii maqribka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shabaabku ay barqanimadii maanta u suurtagashay in ay la wareegaan gacan ku haynta deegaankaasi, ka dib markii ciidamadu ay dib u gurasho sameeyeen, laakiin ay dib ugu soo rogaalceliyeen.

Hoggaanka Macawiisleyda ayaa qiray in Shabaabku ay la wareegeen deegaanka, ha yeeshee ay markii dambe dagaal uga saareen.

Gudoomiyaha Degmada Moqokori, Maxamed Cabdi Macow ayaa sheegay in ugu dambayn ciidamadu ay Al Shabaab ka saareen deegaankaasi abaarihii 6:30pm maqribnimo.

Dadka qaarkii ayaa tuhunsan suurtagalnimada in Shabaabku ay weli meeo yar kaga sii sugan yihiin deegaankaasi, taasoo aysan jirin cid si sax ah u xaqiijin karta.

Warbaahinta ayaa ogaatay in Shabaabku ay culeys weyn kala kulmeen Ciidanka Xoogga Dalka oo ka soo dhaqaaqay Degmada Moqokori iyo kuwii kale ee maalmihii u dambeysay hawlgalka ka waday inta u dhaxeyso deegaanada Mabaax iyo Ceel Cali Axmed ee Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe. Ciidamadan iyo kuwii lagu weeraray Ceel-hareeri oo isbiirsaday ayaa maleeshiyadaasi ka riixay godad ay ka qoteen qaybo ka mid ah deegaankaasi.

Shabaabka ayaa u muuqday kuwo uu yoolkoodu ahaa in ay muddo dheer sii joogaan deegaanka istiraatiijiga ah ee Ceel-hareeri, marka aad eegto in saacado yar gudahood ay godad kaga qoteen deegaanka.

Shabaabka ayaa 2-dii iyo 17-kii bishii hore ee May sidaan oo kale u soo weeraray deegaankaasi, si uu ugu noqdo marin ay bariga gobolkaasi ka soo galaan gobolka kale ay deriska yihiin ee Shabellaha Dhexe. Shabaabka ayaa horaantii sanadkan dhul ballaaran ka qabsaday Gobolka Shabellaha Dhexe.

Shabaabka ayaa waxaa cad in ay damacsan yihiin inay culeyska ka qafiifiyaan maleeshiyadooda ku go’doonsan deegaanka Yasooman oo hoostaga Magaalada Buuloburde ee bariga Gobolka Hiiraan. Maleeshiyadan ayaa 16-kii bishii hore ee April qabsatay Yasooman, ka dib markii ay ka yimaadeen dhinaca deegaanka Aboorey oo ku dhegan deegaankaasi. Xoogaga Macawiisleyda ayaa daba-yaaqadii bishii April soo degay waddada u dhaxeyso deegaanadaasi, waxayna kala jareen isu socodkii Al Shabaab ee Yasooman iyo Aboorey.

Aboorey ayaa ahayd meesha keliya ee saadka, sahayda iyo gurmadka uga imaan karay maleeshiyada ku go’doonsan Yasooman, bacdamaa ay horeyba u xirneyd waddada Yasooman ee aadda dhinaca Degmooyinka Moqokori iyo Maxaas ee gobolkaasi.

Qorshaha maleeshiyadu u timid Yasooman ayaa ahaa in ay la wareegaan waddada Yasooman ku xiriirisa Moqokori illaa Maxaas ee dhinaca kalena u furan bariga Gobolka Galgaduud, qorshahaas oo aad arki karto in aanu shaqeyn.

Shabaabka ayaa ka dheregsan in aysan isku xiri karin maleeshiyadooda min Shabellaha Dhexe, Hiiraan illaa Galgaduud, haddii aysan qabsanin Moqokori, isla-markaana aysan isku furin waddada Moqokori iyo Yasooman.

Istiraatiijiyad ahaan, Shabaabka ayaa waxaa muuqato in ay isku dayi doonaan inay culeys soo saaraan deegaanada hoostaga Degmada Moqokori, ka hor inta aan laga saarin Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe. Ceel-hareeri ayaana ah albaabka ay Shabaabku ka soo geli karaan Moqokori.

Deegaanka Ceel-hareeri ayaa hoostaga Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, waana deegaan muhiim ah, marka aad eegto in uu isku xiro Degmooyinka Moqokori iyo Aadan Yabaal ee labada gobol ee Hirshabelle.