Dagaal culus oo ka socda Magaalada Laascaanood

Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in mar kale maanta uu dagaal culus ka socdo magaaladaasi.
Dagaalka oo u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo xoogaga deegaanka ee SSC ayaa ka socdo jiidda bari ee magaaladaasi.
Dhinacyada ayaa dagaalka isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay sheegeen dadka weli ku harsan magaalada.
Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ay madaafiic ku soo dhaceyso xaafadaha magaalada, inkastoo aan illaa iyo hadda la soo sheegin cid wax ku noqotay.
Inta badan dadka deegaanka ayaa kol hore isaga barakacay guryahooda, iyadoona magaaladu ay muddo kooban isugu bedeshay goob colaadeed.
Dadka ka baxsaday colaadda magaalada ayaa la sheegay in ay xaalad bani'aadanimo ku haysato deegaanada hoostagga magaaladaasi, oo dadku intiisa badan uu ku barakacay.
Xaalad hubinti la'aan ah ayaa ka jirtay Laascaanood, tan iyo markii 6-dii bishii February uu dagaalku ka qarxay magaalada.
Dhowr jeer ayaa waxaa guuldareystay dadaalo la doonayay in waan-waan nabadeed looga dhex bilaabo labada dhinac, si bal xal looga helo dagaalkan, oo dad badani ay u arkayeen mid sii daba dheeraan doona.


