Dagaal culus oo ka socdo bartamaha Caasimadda Muqdisho

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal culus uu haatan ka socdo bartamaha magaaladaasi, isla-markaana uu u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo ciidamo taageersan Siyaasiyiinta Mucaaradka.

Dagaalka ayaa ka qarxay xaafadda Barmuuda, qaybta Degmada Howlwadaag, halkaas oo uu degan yahay Raysal Wasaarihii hore ee Somaliya, Xasan Cali Khayre.

Dagaalkan ayaa ka dambeeyay, ka dib markii Saraakiisha Ciidamada Dowladda ay halkaasi geeyeen ciidamo militari ah, oo sida la sheegay laga soo saaray furimaha Gobolada Shabellooyinka.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in gees ka gees magaalada laga maqlayo hubka waaweyn ee dagaalka la isku adeegsanayo.

Dhanka kale hoobiyeyaal ayaa la soo sheegaya in ay ku dhacayaan qaybo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee mucaaradka ayaa ayaan darro ku tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu xilligan hoobiyeyaal ku garaaco xaafadaha shacabka.

"Waa ayaan darro weyn in Xasan Sheekh uu xiligan hoobiyeyaal ku garaacayo xaafado shacab iyo hoy ay ku sugan yihiin Ugaaska Beesha Murusade, odayaal dhaqan, siyaasiyiin iyo waxgarad kale. Goobta waxaa sidoo kale ku sugan ergo isugu jirtay siyaasiyiin iyo odayaal u joogay dadaalo dhexdhexaadin iyo nabadayn ah." Ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo intaasi ku daray "Tani waxay mar kale caddayn u tahay nacasnimada, fuleynimada iyo masuuliyad darrada taliska waqtigiisu dhamaaday ee Xasan Sheekh. Halkii uu dooran lahaa wada hadal iyo tanaasul siyaasadeed ayuu doortay aargoosi iyo adeegsiga awood ciidan."

Dagaalkan ayay dadka qaarkii u fasirteen mid ka tarjumaya inaysan Dowladda Federaalka ogolaan doonin in Khamiistan ay Siyaasiyiinta Mucaaradka dibadbax ka dhigaan magaalada.