Dagaal culus oo ka socdo deegaan hoostaga Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe

Wararka ka imanaya Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta uu dagaal culus ka socdo deegaan hoostaga degmadaasi, oo dhawaan ay soo galeen maleeshiyada Al Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Kumaandooska Gorgor ay weerar xoogan ku qaadeen meel u dhow deegaanka Shiikh-yaalo, halkaas oo la sheegay inay Shabaabku la wareegeen.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Shabaabka lagu arkay aagga Shiikh-yaalo ay yihiin qayb ka mid yihiin maleeshiyadii 22-kii bishan la wareegtay deegaanada Jabad Godane iyo Alanley oo ka mid ah deegaanada hoostaga Degmada Warsheekh.
Taliska Militariga ayaa ka dheregsan in Shabaabku uu qorshahoodu yahay in ay kala jaraan waddada xeebta ee xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Gobolka Shabellaha Dhexe ee dhinaca kalena tagta Gobolada Dhexe.
General Sahal Cabdullaahi Cumar, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa Sabtidii kormeeray ciidamada dhaqdhaqaaqa ka wada deegaanada qaar ee hoostaga Degmada Warsheekh.
Taliyaha ayaa qoraal ku sheegay in ciidamadu uu faray in ay dardargeliyaan hawlgalada ay ku xaqiijinayaan amniga dalka.
Shabaabka ayaa toddobaadkii hore bilaabay in ay isku soo fidiyaan dhulka xeebta ee bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, ka gadaal markii ay dagaal kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Nuur Dugle.
Gulufka ay Militariga Somaliya qaadeen ayaa looga hortagayaa in Shabaabku ay kala jaraan waddada xeebta, taas oo muhiim u ah hawlgalada deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.


