Dagaal culus oo ka socdo Gobolka Mudug

Dagaal culus ayaa la soo sheegaya in maanta uu ka socdo Gobolka Mudug, ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ay dhowr jiho ka weeraraan goobaha ay maleeshiyada Al Shabaab kaga sugan yihiin hawdka deegaanka Shabellow ee gobolkaasi.

Ciidamada ayaa la sheegaya in ay isku dayayaan in maleeshiyada ay ka saaraan dhulka hawdka ee deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalku uu yahay mid ay dhinacyada isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in jug is xigxigtay barqanimadii maanta laga maqlay aagaggaasi, taas oo loo maleynayo in ay gaysteen diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Cabdullaahi Aadan Xuseen (Cirro) ayaa mar sii horreysay sheegay inaanu hawlgalku joogsan doonin, illaa iyo inta ay ciidamadu ka soo taabanayaan darbiga ugu dambeeya.

General Cirro ayaa muddooyinkii ugu dambeysay gobolka u joogay dardrgelinta gulufka dagaal ee ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Galmudug ka sii wada abaabulka hawlgalka militari ee la doonayo in Shabaabka lagaga sifeeyo Gobolada Dhexe.