Dagaal culus oo maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood

Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in maanta uu dagaal culus bariga iyo galbeedka magaaladaasi ku dhex maray Ciidanka Militariga Somaliland iyo xoogaga deegaanka ee SSC.
Dagaalka oo saakay ka qarxay deegaanka Dhabansaar ee duleedka Laascaanood ayaa markii dambe ku fiday qaybo ka mida bariga iyo galbeedka magaaladaasi.
Dagaalkan ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona si weyn looga dareemay goobihii lagu dagaalamay. Dhinacyada ayaa midba midka kale ku eedeeyay masuuliyadda weerarka.
Taliyaha Ciidanka Militariga Somaliland, General Nuux Ismaaciil Taani ayaa sheegay in ciidamadiisu ay ka hortaggeen ciidan watay 30 gaari oo kuwa ciidamada ah, kuwaa oo doonayay sida uu yiri inay qabsadaan waddada laamiga ee dusha ka marta deegaanka Dhabansaar.
"Ciidanka soo galay Dhabansaar oo watay soddomeeyo tikniko ah, wuxuu doonayay waddada inuu qabsado, taakuleyntana uu ciidanka ka jaro. Ciidanka Qaranka oo ku xisaabtamaya arrintaa guluf buu kala hortegay." Ayuu yiri Taliyaha oo intaa ku daray "Dhabansaar waxaa gacanta ku haya ciidanka, iyagiina waxay u yaaceen illaa tuulada la yiraahdo Balahare."
Taliyaha ayaa yiri "Ka dibna bariga iyo galbeedka ayay dagaalo culus ka bilaabeen, waana lagu jebiyay labadaba, bariga iyo galbeedka."
Waxa kaloo uu yiri "Maanta waxaa dhacay dhowrkaa dagaal, galbeedka Laascaanood, bariga Laascaanood iyo Dhabansaar, intaba Ciidanka Qaranka guul buu ka soo hooyay."
Taliyaha ma sheegin khasaaraha dhankooda ka soo gaaray dagaalkaasi, balse waxa uu yiri "Khasaare wuu dhacayaa, dhimasho way dhaceysaa, dhaawacyna wuu dhacayaa, laakiin yaa guusha helay baa taala."
Afhayeenka 33-ka Oday Dhaqameed ee reer Laascaanood, Cabdirisaaq Maxamed Xasan (Falaalug) ayaa Militariga Somaliland ku eedeeyay in ay iyagu weerarka soo qaadeen, kuwoodana ay iska caabiyeen.
"Dagaal jid dheer ka soo bilowday baa maanta ka dhacay magaalada, sida lagu yaqaanay nimankan Somaliland ama Maamulka Waqooyi Galbeed dagaal uu soo qaaday oo jid dheer ku baahsan baa maanta dhacay." Ayuu yiri Afhayeenka.
Afhayeenka ayaa si adag u beeniyay in ciidamadoodu ay weerarka qaadeen, isagoona yiri "Waxaa waxba kama jiraan, iyagaa lagu yaqaanay intay wax sameeyaan inay dafiraan, annagu wax aan sameyno ma dafirno, beentana kama sheegno."
Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkan ugu dambeeyay ee maanta ka dhacay Laascaanood, marka laga soo taggo in dhimasho iyo dhaawacba uu jiro.
Xaalad hubinti la'aan ah ayaa ka jirtay Magaalada Laascaanood, tan iyo markii 6-dii bishii February uu ka qarxay dagaalkan u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.


