Dagaal dib uga qarxay Magaalada Laascaanood

Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu saaka ka socdo magaaladaasi, xilli maalmihii ugu dambeysay ay xaaladda magaalada u muuqatay mid degan.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka qarxay jiidda bari iyo dhanka galbeed ee magaalada, halkaas oo ay labada dhinac isku horfadhiyeen.

Dadka ku haray Laascaanood ayaa soo sheegaya in madaafiic xoog leh ay ku soo dhaceen qaybo ka mida xaafadaha magaalada.

Dhinacyada ayaa midba midka kale ku eedeeyay in uu weerarka soo qaaday.

Barraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaalo muujinaya dad maxaabiis ah, oo dhinacyadu ay sheeganayaan in ay dagaalka ku qabteen.

Dagaalkan ayaa imaanaya, xilli Beesha Caalamka ay dadaal ugu jirtay, sidii ay dhinacyadaasi isugu soo dhaweyn laheyd.