Madaxweynaha Turkiga oo sheegay inay bilaabeen dhismaha xaruntooda hawada sare ee Somaliya
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay inay bilaabeen dhismaha xarunta hawada sare ee laga diro dayax gacmeedyada ee ay ka dhisayaan Somaliya.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka Shirweynaha Caalamiga ah ee Arrimaha Hawada Sare (IAC 2026) oo Isniintii ka furmay Magaalada Antalya ayaa sheegay inay Somaliya la yeelanayaan iskaashi cusub oo ku aaddan qorshaha aaditaanka dayaxa.
"Iyadoo la tixgelinayo xaaladaha juqraafiyeed ee Turkiga, waxaan dhigaynaa aasaaska iskaashi taariikhi ah oo dhanka hawada sare ah oo aan la yeelanayno dalka aan saaxiibka iyo walaalaha nahay ee Somaliya oo ku aaddan dhanka xarumaha hawada sare looga diro dayax gacmeedyada.” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha oo sii hadlayay ayaa yiri "Waxaan bilownay howlihii dhismaha ee xarunta hawada sare ee aan ka hirgelin doono Somaliya, waxaana si go'aan adag u sii wadaynaa dadaalada aan ku hirgelinayno mashruucan istiraatiijiga ah. Marka laga soo tago xoojinta awoodda Turkiga ee ku aaddan gaarista hawada sare iyada oo loo marayo mashruucan, waxaan sidoo kale gacan ka gaysanaynaa horumarinta nidaamka deegaanka hawada sare ee Qaaradda Afrika."
Turkiga ayaa muddooyinkii u dambeeyay dardargelinayay barnaamijkiisa hawada sare, oo ay ku jiraan nashqadaynta iyo samaynta dayax gacmeed cusub oo isgaarsiineed iyo qorshaha Ankara ee hiigsiga dayaxa ee 2027. Ankara ayaa qorsheynaysa in illaa lixdan hawlgal oo cilmi baariseed ay ka sameyso dayaxa, tobanka sano ee soo socda.
Madaxweyne Erdogan ayaan sheegin goobta laga bilaabay dhismaha xarunta laga hago howlaha hawada sare ee laga hirgelinayo Somalya.
Saldhiggan ayaa la aaminsan yahay in laga dhisayo duleedka magaalo xeebeedka Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo saaran Badweynta Hindiya, isla-markaana uu Turkigu xeebaha Somaliya u doortay muhiimadda istiraatiijiyadeed ay leeyihiin awgood.
Marka la eego in goobtu ay ku dhowdahay dhul-baraha ayaa waxay ka dhigeysaa mid ku habboon tijaabooyinkaasi iyo in looga faa'iideysto cilmiga hawada sare, gantaalaha ama rarka culeyska ee dayax gacmeedyada.
Dhul-baraha waxa uu gantaalaha laga diro dhulka uu siiyaa fursad aad u weyn, oo sahleysa in shidaal ama tamar yar uu uga baxo cufisjiidka dhulka, iyadoo gantaalka ku wajahan hawada sare uu helayo riixitaan dheeraad ah oo dabiici ah oo ka dhasha wareegga dhulka.





