Xerada Ballidoogle oo laga hirgelinayo xarun laga hoggaamiyo weerarada xagga cirka

Dowladda Federaalka ayaa ku foogan, sidii xarun laga hoggaamiyo weerarada xagga cirka ah looga hirgelin lahaa Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Gaashaanle Xasan Tuure (Ex Ballidoogle) ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Fekerkan ayaa ka dhashay, ka dib dagaalkii qaraaraa ee Isniintii Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyada Al Shabaab ku dhex maray meel u dhow deegaanka Jameeco oo hoostaga Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.
Wararka ayaa sheegaya in Turkigu uu Dowladda Soomaaliyeed ka caawinayo in Xerada Ballidoogle ay qayb ka noqoto goobaha laga hago hawlgalada hawada.
Ujeedada ayaa ah, si gurmadka hawada uu u noqdo mid si dhakhsa ah loo heli karo, si loo dardargeliyo Hawlgalka Banooda ee lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab, loona xoojiyo ciidamada dhinaca dhulka ka hawlgelaya.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Saraakiisha Militariga Turkiga iyo Kumaandooska Gorgor ay dhinac ka degayaan Xerada Ballidoogle, oo in ka badan toban sano uu Mareykanku ku tababarayay Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka.
Hawlgalka Banooda ee wejigiisa hore lagu qabanayo Degmada Buurhakaba ayaa waxaa ku lug leh unugyo isugu jira Kumaandooska Danab, Gorgor iyo cutubyo ka tirsan Ciidanka Guutada 7aad, Qaybta 12-ka April ee Xoogga Dalka.
Gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan Degmada Wanlaweyn iyo aagga Leego ayaa waxaa ku sugan Saraakiil sarsare oo ka tirsan Militariga Somaliya, kuwaas oo isku dubaridaya gulufka ciidan ee ciidamada mar kale loogu jiheynayo Buurhakaba, si looga saaro ciidamada taageersan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).


