Gariir dagaal oo ka jira Magaalada Baydhabo

Gariir dagaal iyo xaalad cabsi ah ayaa laga soo sheegayaa Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyadoo ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ay sii wadaan culeyska amni ee ay ku hayaan magaaladaasi.
Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in heegan buuxa la geliyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed, si ay uga hortaggaan khatar weerar.
Ciidamada Cabdicasiis Laftagareen oo horey ula wareegay degmooyin ka tirsan Gobolka Baay iyo deegaanada istiraatiijiga ah ee hoostaga Baydhabo ayaa culeys amni ku haya magaalada, marka aad eegto in ay dhooban yihiin hareeraheeda.
Dadka deegaanka ayaa kuu sheegaya in Ciidamada Gorgor, Danab, Polizia Militare iyo kuwa Guutada 8aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka lagu arkayo kontoroolada bariga iyo galbeedka ee laga soo galo magaalada iyo weliba meelaha kale ee furan ee magaaladaasi.
Sarkaal ka tirsan Militariga Somaliya, kuna sugan Baydhabo ayaa inoo sheegay inuu jiro tuhun ku aaddan in Ciidanka Birmadka Koonfur Galbeed ee la rabo inay difaacaan magaalada ay qaarkood is faham la gaareen garabka Laftagareen, taasna ay dhaawici karto kalsoonida iyo wada-shaqaynta ciidamada isku dhafka ah.
Sarkaal kale oo ka tirsan Nabad Sugidda Koonfur Galbeed ayaa Universaltv u sheegay in xilli kasta la filan karo weerar ay ciidamada ka soo horjeeda maamulka ku soo qaadaan magaalada.
Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa noqotay magaalada keliya gobolkaasi ee ku harsan gacanta maamulka, ka dib markii ciidamada u daacadda ah Laftagareen ay qabsadeen Degmooyinka Qansaxdheere, Diinsoor, Berdaale iyo Buurhakaba.


