Dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay Gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee maanta uu dagaal culus gobolkaasi ku dhex maray Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya xoogaga deegaanka iyo maleeshiyada Al Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii ciidamadu ay weerar ballaaran ku qaadeen maleeshiyada Shabaabka ee degan deegaanka Qodqod.

Ciidamada oo horaan ka qalab qaatay Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud ayaa iska caabin xoogan kala kulmay maleeshiyadaasi, inkastoo aanay taasi hakin qorshihii ay ciidamadu ku doonayeen inay kula wareegaan gacan ku haynta deegaankaasi.

Wariyeyaasha ayaa sheegaya in Shabaabka ay Qodqod uga baxeen dhanka deegaanka Cammaara. Qodqod oo deegaan istiraatiiji ah ayaa ku taala inta u dhaxeyso Xiinlabi iyo Cammaara.

Cutubyo kale oo ka mid ah ciidamada ayaa isla maanta la wareegay deegaanka Sargo, oo u dhow deegaanka Xiinlabi.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa bogaadiyay is bedelka ay maanta ciidamadu ka sameeyeen goobta dagaalka.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa sheegaya in dagaalku uu sii socon doono, illaa iyo inta Galmudug laga ciribtirayo kooxaha argagixisada.

Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe) ayaa dhankiisa sheegay in guulaha ay ciidamadu ka gaarayaan dagaalka ay maalmahaanba noqon doonaan kuwo xiriir ah.

Ciidamada ayaa jihooyin kala duwan kaga sii socda deegaanada ay Shabaabku ka maamulaan Koonfurta Gobolka Mudug.