Dagaal iyo duqayn ka dhacday Gobolka Hiiraan

Dagaalka oo gelinkii dambe ee shalay illaa xalay ka socday inta u dhaxeyso deegaanada Beera-yabaal iyo Jicibow ee Gobolka Hiiraan ayaa u dhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka oo garabsanaya xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda iyo maleeshiyada Al Shabaab.

Dagaalka ayaa bilowday markii xoogaga Macawiisleyda ay ku baxeen goobo la sheegay inay isku uruursanayaan maleeshiyada Shabaab, waxaana dib dagaalka kaga biiray Ciidanka Guutada 5aad Qaybta 27aad ee Xoogga Dalka.

Dagaalka oo hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayaa keentay in Shabaabka laga saaro goobihii ay kaga sugnaayeen deegaanadaasi oo hoostagga Degmada Buulo Burde.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaradaha saaxiibada caalamiga ay goor dambe dhanka cirka ka garaaceen firxadkii maleeshiyadaasi, iyadoona ay duqayntu ka dhacday dhulka hawdka ee Beera-yabaal.

Dadka ku dhaqan dhulka miyiga ayaa laga soo xigtay in xalay ay maqleen jugta dhowr gantaal oo is xigxigay.

Goobaha lagu dagaalamay oo dhaca bariga gobolkaasi ayaa waxaa Al Shabaab laga saaray bishii October, ka dib dagaalo culus oo ka dhacay deegaanada ku teedsan Degmada Buulo Burde.

Wax badan lagama oga khasaaraha uu dagaalku gaystay iyo duqayntii ka dambeysayba.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Al Shabaab ayaan weli wax war ah ka soo saarin dagaalka iyo duqaynta ka dhacday gobolkaasi.