Dagaal ka dhacay Buurta Wareertire ee Gobolka Hiiraan

Ciidanka Kumaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka oo garabsanaya Xoogaga Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa la sheegay in shalay galab ay weerareen maleeshiyaad ka tirsan kuwa Al Shabaab oo ku sugnaa Buurta Wareertire ee Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ururka 8aad, Guutada 18aad ee Kumaandooska Gorgor, Kabtan Maxamed Cali Hilowle ayaa sheegay in ciidamadu ay weerar ku qaadeen maleeshiyaad isku uruursaneysay buurtaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada qaybtood ay isku fidiyeen dhulka hawdka ah ee u dhaxeeya deegaanada Beera-yabaal iyo Jicibow oo hoostagga Degmada Buulo Burde.

Kabtan Maxamed Cali Hilowle ayaa Idaacadda Codka Ciidamada u sheegay in dagaalka lagu dilay xubno badan oo ka tirsan maleeshiyada Shabaabka, warkaas oo aysan jirin cid si madaxbannaan u xaqiijin karta.

Buurta Wareertire ayaa dhacda inta u dhaxeyso Degmooyinka Buulo Burde iyo Halgan, waana buur ku taala dhul hawd ah oo saaran waddada laamiga ee xiriirisa Buulo Burde iyo Beledweyne.

Shabaabka ka soo gudba daanta galbeed ee Webiga Shabelle ayaa la fahamsan yahay in halkaasi ay gabaad ka dhigtaan, mararka qaarkoodna ay weeraro ka soo abaabulaan.

Ciidamada ayaa xilliyada qaarkood hawlgalo amni xaqiijin ah ka sameeya deegaanada ku teedsan waddada laamiga, si ay halkaasi uga fogeeyaan Shabaabka, iyadoo markaasi laga hortaggayo in ay kala jaraan isu socodka min Beledweyne, Halgan illaa Buulo Burde.

Xoogaga Macawiisleyda ayaa farriisimo laga ilaaliyo amniga waddada laamiga ku leh deegaanada Waabweyn iyo Xalaaley ee dhinaca bari ee Gobolka Hiiraan, iyadoona ay waddadan muhiim u tahay isu socodka gobolkaasi.