Dagaal ka dhacay Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay

Wararka ka imanaya Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay saaka weerar ka gaysteen afaafka hore ee degmadaasi.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadu ay jidka u gashay gaadiid ay la socdeen Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, kuwaas oo ku baxay xubno Shabaab ahi oo ay ka war heleen inay yimaadeen bannaanka magaalada, isla-markaana ay ku soo socdaan magaalada.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in labada dhinac uu dagaal culus ku dhex maray afka hore ee magaalada, isla-markaana ay ciidamadu dib u caabiyeen maleeshiyada Al Shabaab, markii ay gurmad ka heleen gudaha magaalada.
Saraakiisha Ciidamada ayaa inoo sheegay in ciidanku ay fashiliyeen weerar qorsheysan, oo kooxaha argagixisada ay doonayeen inay ku soo qaadaan magaalada, iyagoo intaasi ku daray in cadowga ay kaga hortaggeen bannaanka magaalada.
Dagaalkan ayaa gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, iyadoo dhinaca ciidamada inta la ogyahay ay ku dhinteen laba askari, oo midkood uu ahaa Taliye Kuxigeenkii Daraawiishta Buurhakaba, Cismaan Kaarabiin, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.
Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha dhabta ahi ee gaaray Shabaabka ayaa waxaa haddana jira warar sheegaya in ay horey u sii qaateen xubno u muuqday in dagaalka lagu waxyeeleeyay.
Xaaladda Buurhakaba ayaa weli u muuqato mid kacsan, walow ciidamadu ay magaalada ka fogeeyeen maleeshiyadii soo kubaareysay.