Dagaal ka dhacay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan

Faah faahino ayaa ka soo baxaya dagaal gelinkii dambe ee maanta ka dhacay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Guutada Cali Bin Abii Daalib ee Xoogga Dalka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka, ka dib markii askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka uu dilay nin ka tirsanaa dadka deegaanka ee la abaabulay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Xoogaga Difaaca Shacabka ay weerareen fariisimaha ay Guutada Cali Bin Abii Daalib ku leedahay degmadaasi.

Dagaalka oo ahaa mid hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsadaday ayaa qalqal amni ka abuuray degmada iyo deegaanada ku xeeran, iyadoona ay hadalhayn badan ka dhalatay.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in siyaasiyiinta, odayaasha iyo waxgaradka ku sugan degmdaasi ay markii dambe kala dhex galeen labada ciidan, xaaladdana ay ku soo celiyeen mid caadiya.

Inkastoo aanay jirin cid weli ka hadashay dagaalkaasi, haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in dagaalku uu gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac ah.

Dagaalka ayaa imaanaya, xilli dhowrkii toddobaad ee ugu dambeysay ay Degmada Maxaas ka socotay abaabulka iyo diyaargarowga gulufka dagaal ee la doonayo in maleeshiyada Al Shabaab lagaga saaro deegaanada ay kaga harsan yihiin Hirshabelle iyo Galmudug.