Dagaal ka socdo bariga Magaalada Gaalkacyo

Xiisadda u dhaxeyso Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Puntland ee ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa cirka isku shareertay, ka dib markii saaka uu dagaal ka qarxay bariga magaaladaasi.

Daraawiishta Puntland iyo Ciidanka PSF ayaa isku horfadhiyay dhanka bari ee magaaalda, gaar ahaan meel u dhow Garoonka Diyaaradaha.

Xoogaga PSF ayaa ah cutubyo gaar ah oo horey uga tirsanaa Maamulka Puntland, kuwaas oo ay qarameysay Dowladda Federaalka.

Magaalada ayaa waxaa laga dareemaya xaalad aad u kacsan, waxaana waqooyiga Gaalkacyo oo Puntland ay ka arrimiso dhaqdhaqaaq ka wada ciidamada maamulkaasi.

Inta badan goobaha ganacsiga ee waqooyiga magaalada ayaa xiran, waxayna dadku ka cabsi qabaan in xaaladda magaalada ay faraha ka baxdo.

Warsaxaafadeed xalay ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu cambaareeyay Dowladda Federaalka, oo lagu eedeeyay in ciidan iyo hub ku soo daabuleyso deegaanada Puntland.

"Maanta 4-ta August 2026 ayay DFS hub kale ka soo dejisay Magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca Galmudug, si ay ugu soo gudbiso dhinaca Puntland, balse ay ka hortaggeen hay'adaha amniga iyo shacabka Dowladda Galmudug, taas oo keentay iska horimaad sababay khasaare." Ayaa lagu sheegay warsaxaafadeedka.

"Dowladda Puntland waxay ku bogaadineysaa Dowladda Galmudug, ciidankeeda iyo shacabkeeda in ay ka hortaggeen amni darrada ay Dowladda Federalka Somaliya ka waddo Gobolka Mudug iyo in la soo dhex mariyo hub iyo ciidan lagu waxyeeleynayo nabadgelyada deegaanada Puntland." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo intaasi ku daray "Puntland iyo Galmudug waxaa ka dhexeeya deris wanaag, wada noolaansho bulsho iyo wada shaqayn maamul oo soo jireen ah. Ilaalinta amniga iyo xasilloonida guud ahaan deegaanada labada maamul waa masuuliyad saaran labada dhinac."

Puntland ayaa ka digtay in wixii ka dhasha falalka amni darrada ay Dowladda Federaalka ku eedeysay inay ka waddo Gobolka Mudug, gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo uu masuuliyaddeeda qaadayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowladda Federaalka ayaan weli ka hadlin eedeyntan ugu dambeysay ee uga timid Puntland, waxayna eedeyntan imaneysaa, xilli shalay galab uu koonfurta Gaalkacyo ka dhacay iska horimaad kooban, kaas oo ka dhashay muran la xiriira gaari hub siday.

Hubkan oo qayb ahaan ay dhaceen ciidamo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Daraawiishta Galmudug ayay wararka sheegayaan in odayaasha deegaanka ay xalay ku guuleysteen in la soo celiyo.