Dagaal ka socdo Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wararka ka imanaya Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka uu dagaal xoogan ka socdo degmadaasi, isla-markaana ay xaaladda Jalalaqsi tahay mid aad u kacsan.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamo taabacsan Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi, Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere) oo garabsanaya Ciidanka Saldhigga Booliska Jalalaqsi iyo maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan, iyadoona dagaalku uu ka socdo afaafka hore ee saldhigga.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ciidamadu ay iska caabinayaan maleeshiyadaasi oo saldhigga soo weerartay, sababtu tahay iyagoo ka carreysan nin halkaasi lagu soo xiray maalmo ka hor.

Gudoomiyaha Degmada Jalalaqsi oo la hadlay Warbaahinta maxaliga ayaa sheegay in ninka la soo xiray uu ka mid ahaa koox afduub u gaysatay nin kale.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in maleeshiyada soo weerartay saldhigga ay dooneyso in ay xoog kula baxdo ninka xiran, taasoo sida uu sheegay ay ciidamadu ka hortaagan yihiin.

Gudoomiye Nuur Dheere ayaa ku hanjabay in aysan ogolaan doonin in sharciga lagu tunto, isla-markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan kooxaha ku lugta leh dembiyada abaabulan.

Warbaahinta ayaa fahamsan in maleeshiyadu ay ninkaasi u aragto nin nabadoon ah, isla-markaana ay gebi ahaanba diidan yihiin eedda loo haysto. Ninkan ayaa la soo xiray Jimcihii.

Xaaladda magaalada ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoona uu xadidan yahay dhaqdhaqaaqa dadka ee bartamaha magaaadaasi.

Tani ayaa ku soo aadeysa, xilli muddooyinkanba ay dadka deegaanku baqdin ka muujinayeen dhaqdhaqaaqa sii horjeeda ee ay maleeshiyada Al Shabaab ka waddo bariga Gobolka Hiiraan.

Dadku ayaa waxay walaac ka muujinayaan suurtagalnimada in Shabaabku ay soo weerari karaan magaaladaasi, marka aad eegto in deegaanada qaar ee hoostaga aysanba ka fogeyn.

Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa ku foogan, sidii ay u adkayn lahaayeen amniga deegaanada hoostaga Jalalaqsi ee ku dhow dhow xadka uu Gobolka Hiiraan la wadaago Gobolka Shabellaha Dhexe.

Xoogaga Macawiisleyda ayaa difaac kaga jira deegaano ay ka mid yihiin Xalfooley iyo Qoryaale oo qayb ka ah deegaanada kala qaybiya labada gobol ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Militariga Jabuuti ee ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa xero ciidan ku leh Jalalaqsi.