Dagaal la isku soo noqnoqday oo ka dhacay Magaalada Baydhabo

Dagaal culus oo hubka noocyadiis kala duwan la isku adeegsaday ayaa maanta ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyadoona dagaalkan uu daba socdo mid shalay magaaladaasi ku dhex maray Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Sarkaal Militariga Somaliya ka tirsan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamed Nishow.

Dagaalka maanta oo aad uga saamayn badnaa kii shalay ayaa ka dhacay xaafadaha Wadajir iyo Howladaag ee gudaha magaalada.

Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed oo ay kaabayaan Booliska Baydhabo iyo kuwa Nabad Sugidda ayaa waaberigii hore ee saaka xiray dhammaan waddooyinka soo gala hoyga uu magaalada ka degan yahay Cabdiraxmaan Maxamed Nishow iyo goobaha ay labadaasi xaafadood kaga sugan yihiin ciidamo u daacad ah Siyaasiyiinta Mucaaradka Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ka amarka qaata Madaxtooyada Koonfur Galbeed ay weerareen ciidamadii kale ee ka soo horjeeday, ka dib markii ay xireen waddooyinkii uu gurmadka u soo mari lahaa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xabaddii bilaabatay wixii ka dambeeyay 6:00 subaxnimo ay soo geba-gabowday waqtigii duhurka, iyadoo Ciidamada Koonfur Galbeed ay qabsadeen goobihii qaar ee lagu dagaalamay.

Goobjoogeyaasha ayaa sheegaya in dhowr jeer la soo riixay Ciidamada Koonfur Galbeed, dagaalkuna uu ahaa mid la isku soo noqnoqday, ka hor inta aysan ciidamadu horumarka ka samayn.

Telefishinka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in ciidamadu ay wadaan hawlgal ay ku soo afjarayaan kooxo burcad oo isbaaraley ah.

Dhanka kale dagaalka ayaa gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo weliba dad rayid ah, inkastoo aan la aqoon inta uu khasaaraha dhabta ahi gaarsiisan yahay.

Wararka laga helayo ayaa sheegaya in meydadka afar qof iyo dhaawaca labaatan kale la gaarsiiyay Isbitaal Goboleedka Baydhabo iyo isbitaalada kale ee gaarka loo leeyahay ee ku yaala magaalada.

Dadka rayidka ah ayay waxyeelada ugu badan ka soo gaartay rasaasta oo ugu tageysay guryahooda iyo madaafiicda qaar ee dagaalka isku adeegsanayay oo ku dhaceysay meelaha ka baxsan goobihii lagu dagaalamay.

Magaalada Baydhabo ayaa maanta ah mid gebi ahaanba kala xiran, iyadoo aysan ka shaqeyneyn gaadiidka dadweynaha, waxaana sidoo kale xiran Garoonka Diyaaradaha Shaati-gaduud.

Ma cadda asbaabta maanta loo hakiyay shaqadii Garoonka Shaati-gaduud, waxaadse mooddaa in maamulku uu ka warqabay, isla-markaana uu u diyaargaroobay dagaal culus oo soo socda.

Dadka reer Baydhabo ayaa kuu sheegaya in magaalada ay ka jirto wax u eg xaalad bandow ah, isla-markaana ay shacabka ku wada sugan yihiin guryahooda.

Suuqa Weyn ee Baydhabo iyo goobaha kale ee ganacsiga magaalada ayaa xiran, waxayna dadku u dhegtayaan waxa ka socdo magaalada gudaheeda.