Dagaal lagu riiqmay oo ka dhacay deegaanada ku xeeran Degmada Maxaas

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saacado badan socday oo Axadda maanta ah ka dhacay deegaanada ku xeeran Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, iyadoo dagaalku uu daba socday mid shalay ka dhacay deegaanada qaar ee hoostaga degmadaasi.

Dagaalka ayaa saakay ka qarxay aagga deegaanka Xasan Raqay oo shalay galab lagu kubaareeyay maleeshiyada Al Shabaab, ka dib markii maleeshiyadaasi ay weerar qaraxyo ku bilowdeen ku qaadeen deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in intaasi ka dib uu dagaalku ku fiday goobihii kale ee ay ciidamadu kaga sugnaayeen ee deegaanada Suullaay, Sulmo, Xagar iyo Teedaan.

Dagaal socday 10 saac ka dib, ciidamada ayaa la sheegay inay dib uga gurteen deegaanka Teedaan, oo ah taliskii ugu weynaa ee hadda laga hoggaaminayay hawlgalka dib u xoreynta ee bariga Gobolka Hiiraan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaabku ay gudaha u galeen Teedaan, isla-markaana Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda reer Hiiraan ay ku sugan yihiin aagga deegaanka Bukure.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dhulkii lagu dagaalamay Sabtidii ay hadda ku sugan yihiin maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana ay halkaasi ka socdaan duqaymo dhanka cirka ah.

Shabaabka ayaa waxaa u suurtagashay in ay xitaa ciidamada ka fogeeyaan deegaanka dhinaca kale ee Maxaas ku yaala ee Goobo, isla-markaana ciidamadii culeyska ku hayay deegaankaasi ay uga baxeen jihada deegaanka Coomaad oo hoostaga Magaalada Matabaan.

Ma cadda, sida Shabaabku ay uga xeeladeysanayaan weerarada cirka ee lagu taageerayo ciidamada hawlgalka maalmihii u dambeeyay ka waday deegaanada hoostaga Degmada Maxaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Shabaabku ay si degdeg ah u soo hujuumayeen dhulkii ay ciidamadu ku sugnaayeen, mar kasta oo ay gaystaan weeraro ay u adeegsanayeen gaadiid ay ka soo buuxiyeen walxaha qarxa, taasoo ay dadka qaar u maleynayaan inay maleeshiyada siineysay gacanta sare ee dagaalka.

Xaalad kacsanaan ah iyo abaabul ciidan ayaa ka jira deegaanada u dhaxeeya Maxaas iyo Matabaan, iyadoona la sheegayo in ciidamadu ay sii wadi doonaan hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyadaasi.

Magaalooyinka Matabaan iyo Guriceel ee Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa waxaa ka socda abaabul ballaaran oo lagu diyaarinayo ciidamo dhiig cusub ku shuba hawlgalkan, si mar kale ciidamadu ay u wajahaan kooxahaasi.

Saraakiil ka tirsan Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo aan la hadalnay ayaa Dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ku dhaliilay inaanay gurmadka iyo saadka soo gaarsiinin waqtigii saxda ahaa.

Taliyaha Qaybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Cali Axmed Xaashi (Cagey) oo ku sugan jiidda hore ee gobolka ayaa Saraakiisha ku dhow dhow laga soo xigtay in Taliyuhu uu wacad ku maray inaanan laga hari doonin kooxaha argagixisada, dagaalkuna aanu sidaan ku dhamaan.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin khasaaraha nafeed ee dagaalku uu gaystay, balse Al Shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in maleeshiyadeeda ay dagaalka ku dileen 41 askari oo saraakiil ay ku jiraan.

Ilaha ka madaxbannaan ee labada dhinac ayaa sheegaya in ay dhaawacyadooda u kala qaateen goobo kala duwan. Dhaawacyada Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa la sheegay in la geeyay Matabaan iyo Guriceel, halka kuwa Shabaabka loo qaaday Maxaas iyo Ceelbuur.

Ciidamada Militariga iyo kuwa Macawiisleyda ayaa 19-kii bishii July dhaqdhaqaaq ka bilaabay deegaanada u dhaxeeya Teedaan iyo Maxaas, taas oo keentay in Shabaabku ay iyana toddobaadkii xigay dhaqdhaqaaq ka sameeyaan bariga Gobolka Hiiraan.

Si kastaba ha-ahaatee xaaladda Degmada Maxaas iyo deegaanada ku teedsan ayaa ah mid is bedbedeleysa, lamana oga waxa ay ku dambayn doonto.