Dagaal maalintii labaad ka dhacay Gobolka Shabellaha Hoose

Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay shalay iyo maanta maleeshiyada Al Shabaab kula dagaalameen duleedka deegaanka Mubaarak ee gobolkaasi.
Ciidamada ayaa Jimcihii shalay weerar ballaaran ku qaaday kooxo ka tirsan Al Shabaab oo isku uruursanayay tuulada Ablik oo ka tirsan deegaankaasi Mubaarak oo hoostaga Degmada Awdheegle.
Dagaalka maanta ka dhacay tuulada yar ee Ablik ayaa daba socda midkii shalay, iyadoona Ciidanka Xoogga Dalka iyo cutubyo ka tirsan Kumaandooska Gorgor ay weli halkaasi ka wadaan hawlgal sifayn ah.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kuu sheegaya in Shabaabku ay qorsheynayeen weerar ay ku soo qaadaan deegaanka Mubaarak, isla-markaana ay ciidamadu ku howlan yihiin, sidii ay khatarta argagixisada uga fogayn lahaayeen deegaankaasi.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Militariga Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa 2-dii bishii March la wareegay gacan ku haynta Mubaarak, ka dib sanado badan oo Shabaabku ay ka arriminayeen. Deegaankan ayaa qiyaastii 10km dhinaca galbeed uga beegan Degmada Awdheegle.
Deegaanka Mubaarak ayaa isku xira Awdheegle iyo Janaale, waxaana uu deegaanku ku yaallaa goob istiraatiiji ah iyo waddo u dhexeysa degmooyinka iyo deegaanada geediga ah ee gobolkaasi.


