Dagaal maanta ka dhacay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in iska horimaad hubeysan uu maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Doolow.
Dadweyne careysan oo ay la socdaan ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka ayaa la sheegay in ay garoonkaasi weerareen, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in garoonka laga dhoofinayo Sarkaal ku eedeysan dilka darawal mooto bajaajle ahaa, oo 23-kii bishan ay dileen Saraakiil degmadaasi loogu diray inay baaritaan ku soo sameeyaan qarax 18-kii bishan ka dhacay degmadaasi, uuna ku dhintay Captain Maxamed Aweys Cali, oo ahaa Taliyihii Ururka 28aad, Qaybta 43aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Captain Maxamed Aweys ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday qaraxaasi oo loogu xiray sariirtiisii. Saraakiisha baaritaanka loogu diray degmadaasi ayaana intaasi ka dib soo xiray ninkii mooto bajaajlaha ahaa, oo lagu eedeeyay in uu goobta keenay qaraxii lagu dilay Sarkaalkaasi.
Weerarka ayaa dhacay, xilli garoonkaasi ay ku sugnaayeen xubno uu ka mid yahay Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute), oo 25-kii bishan degmadaasi u tegay arrinta ku aaddan dilka la sheegay inay gaysteen Saraakiishii baaritaanka loogu diray degmadaasi.
Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in mooto bajaajlaha uu ku baxay gacanta Saraakiishii baaritaanka u yimid gobolkaasi.
“Mid ka mid ah afar Sarkaal oo laga soo diray Magaalada Muqdisho, si ay kiiskan u baaraan ayaa qirtay in uu gacantiisa ku dhintay wiilkii mooto bajaajlaha 23-kii bishan, isaga oo ku andacoonaya in intii baarista lagu guda jiray uu dhintay, welibana goob ka baxsan xarumaha ciidamada, ayna ku aaseen meel duur ah. Marka tani waxay abuurtay shaki weyn.” Ayuu yiri Korneyl Aadan Rufle.
Korneyl Aadan Rufle oo Universaltv la hadlay ayaa yiri “Intaasi ka dib Sabtidii waxaa Doolow noogu yimid Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, waxaana lagu heshiiyay in Sarkaalka uu gacantiisa ku baxay mooto bajaajlaha lagu maxkamadeeyo Doolow. Saakayna waxaa laga war helay in Sarkaalkaasi loo wado Magaalada Muqdisho, taasayna ka gadoodeen ciidamada iyo dadka deegaankaba.”
Korneyl Rufle ayaa intaasi ku daray “Captain Maxamed Aweys Cali wuxuu ka mid ahaa Saraakiisha Militariga ee Gobolka Gedo, waa Saraakiishii Ciidanka Xoogga Dalka ee xoreeyay inta badan Degmooyinka Gobolka Gedo. Sababta loo dilay waxaan u fahamnay maxaad isu hortaagtay in gaadiidka ciidamada laga daabulo gobolka, lana geeyo Muqdisho, markii uu dhintayna gaadiidkii baabayaasha ahaa ayaa laga qaaday gobolka. Annaga waxaan tuhunsanahay in Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku lug leedahay dilkiisa iyo dilka kale ee loo gaytay wiilkii mooto bajaajlaha. Dabcan mooto bajaajlaha waxaa loo dilay, si aysan sirta dibadda ugu bixin.”
Dhanka kale inkastoo ay isgaarsiinta Doolow tahay mid ciriiri ah, haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen dagaalkaasi, tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacantay.
Taliyihii Ciidanka Amniga ee Garoonka Degmada Doolow, Maxamed Xuseen Cabdullaahi (Ganey) ayaa la soo sheegaya in uu ka mid ah dadka iska horimaadkaasi ku dhintay.
Ciidanka Militariga Itoobiya ee qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, gacantana ku haya ammaanka garoonkaasi ayaa la sheegay inay rasaas xoog leh is weydaarsadeen ciidamadii iyo shacabkii garoonkaasi soo weeraray.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in rasaas laga furay Degmada Doolow ay sababtay dhimashada iyo dhaawaca dad ku sugnaa Degmada Doolow Addo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, taa oo xad la leh Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.
Si kastaba ha-ahaatee xaaladda Degmada Doolow ayaa u muuqato aad u kacsan.
La soco wixii ku soo kordha.