Dagaal mar kale ka dhacay deegaanka Goofgaduud Buurey ee Gobolka Baay

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal gelinkii dambe ee Arbacadii ka dhacay deegaanka Goofgaduud Buurey, oo 30km dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Baydhabo, kaas oo u dhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyada Al Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii maleeeshiyada Al Shabaab ay weerareen Xerada Ciidanka Xoogga Dalka ku leeyihiin deegaankaasi, oo ka mid ah goobaha laga ilaaliyo amniga Magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay si weyn isaga caabiyeen weerarkaasi, isla-markaana ay maleeshiyadaasi ku khasbeen in ay dib u gurtaan.

Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo) ayaa bogaadiyay, sida ay ciidamadu isaga caabiyeen maleeshiyadii weerarka soo qaadday.

Ma jirto wax khasaare ah oo ciidamada ka soo gaaray weerarkaasi, sida ay Saraakiishu xaqiijiyeen.

Weerarka ayaa imaanaya saacado uun ka dib markii Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdiqaadir Maxamed uu shalay Degmada Baraawe ka sheegay in deegaanada Koonfur Galbeed uu dhawaan ka bilaabinayo wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka.

Weerarkan ayaana noqonaya kiisii saddexaad ee ay Shabaabku ka gaystaan Goofgaduud Buurey, muddo 10 maalmood gudahood.