Dagaal xoogan oo dib uga qarxay waqooyiga Gobolka Galgaduud

Wararka ka imanaya waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu maanta dib uga qarxay goobihii ay Jimcihii ku wada dagaalamaan labada maleeshiyo beeleed.
Labada maleeshiyo oo hab beeleed u abaabulan ayaa ku dagaalamaya inta u dhaxeyso deegaanada Laandheer iyo Huurshe.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in rasaas xoog leh laga maqlayo dhulka u dhaxeeya Bangeele iyo halka lagu magacaabo Isgoys.
Dagaalkan ayaa waxaa ka qayb qaadanaya gaadiidka dagaalka, iyadoona labada dhinac ay gurmad ka kala helayaan Magaalooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale.
Dagaalkan ayaa waxa uu salka ku hayaa muran ka dhashay cidda iska leh dhulka ay labada maleeshiyadu ku dagaalameyso.
Ma jirto cid kala dhex gashay kooxaha dagaalamaya, mana jirto wax war ah oo Dowlad Goboleedka Galmudug ay illaa iyo hadda ka soo saartay colaaddan ka soo cusboonaatay Gobolka Galgaduud.
Dagaalkii shalay oo ahaa mid la isku soo noqnoqday illaa gabal dhicii ayaa waxaa ku dhintay dhowr iyo toban qof, iyadoo ku dhawaad 30 kalena ay ku dhaawacantay.
Dadka deegaanka ayaa walaac ka muujinaya dhaqdhaqaaqyada sii kordhaya ee ay kooxahaasi wadaan, waxaana jirta cabsi laga qabo in dagaalku uu dhul hor leh ku fido.


