Dagaal xoogan oo ka socda Magaalada Garoowe

Dagaalka ayaa u dhaxeeya Ciidamada Puntland iyo ciidamo kaloo u daacad ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo horjeeda Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.
Dagaalka ayaa haatan ka socda bartamaha magaalada, gaar ahaan agagaarka Xarunta Baarlamaanka.
Dagaalku waxa uu ka dambeeyay, ka dib markii ciidamo ka amar-qaata mucaaradka ay xalay fariisimo ka sameysteen waddooyinka soo gala Dhismaha Baarlamaanka.
Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in magaalada laga maqlayo daryanka sawaxanka ee hubka noocyadiisa kala duwan, isla-markaana ay dagaalka qayb ka yihiin gaadiidka dagaalka.
Illaa xalay dadka rayidka ayaa isaga baxayay xaafadaha ku dhow dhow Aqalka Baarlamaanka, oo ku yaala agagaarka barxadda weyn ee Garoowe.
Mucaaradka Puntland ayaa dalbanaya in la joojiyo qorshaha socda ee ku aaddan in Xildhibaanada Baarlamaanka ay furaan dastuurka, si wax ka bedel ugu sameeyaan qodobka la xiriira tirada xisbiyada siyaasadda Puntland oo hadda saddex ah, balse ay Madaxtooyadu dooneyso in illaa shan la gaarsiiyo.
Golaha Wasiirada Puntland ayaa 4-tii bishii May ansixiyay in tirada xisbiyada laga dhigo shan, taas oo muddooyinkanba ay mucaaradka ka biyo diidanaayeen, iyagoona ku sheegay mid uu Madaxweyne Deni ku sii dheereysanayo muddo xileedkiisa, oo haatan ay lix bilood uga harsan tahay.


