Dagaalka ka dhacay Laascaanood oo dad ku dhinteen

Wararka laga helayo Magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in maanta magaaladaasi uu dagaal culus ku dhex maray Ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Dagaalka ayaa ahaa mid ay dhinacyadu isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana mararka qaarkood xaafadaha magaalada ku soo dhacayay rasaasta wiiftada iyo madaafiic habow ah.

Dagaalka oo saakay ka qarxay jiidda bari ee magaalada, gaar ahaan halka loo yaqaano Maraaga iyo aagga Jabka Qoriga ayaa soo gaaray xilligii Maqribka, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Goobaha lagu dagaalamay ayaa dhaca buuraha ku teedsan Dooxada Ooda-gooye.

Goobaha caafimaadka ee magaalada ayaa la geeyay meydad iyo dhaawacyo isugu jira dhinacyadii dagaalamayay iyo weliba dad rayid ah.

Isbitaalka Guud ee Laascaanood iyo isbitaalka kale ee Manhal ayaa la gaarsiiyay meydadka 5 qof iyo dhaawaca in ka badan 25 kale.

Cabdiqaadir Abshir Xaaji Diiriye oo ka mid ah Guddiga 33-ka xubnood ee SSC ayaa sheegay in 5 qof ku dhimatay dagaalka, 27 kalena ay ku dhaawacantay.

Dad isa soo xilqaamay ayaa la sheegay inay isbitaaladaasi u yimaadeen, sidii ay dhiig ugu deeqi lahaayeen bukaanada.

Ganacsigii yaraa ee magaalada ka jiray ayaa la sheegay in uu ku xirmay dagaalka culus ee maanta ka dhacay magaaladaasi, sidoo kalena uu hakad ku yimid dhaqdhaqaaqii aan buurnayn ee dadka iyo gaadiidka ee magaalada ka jiray.

War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu yiri "Ciidamada Maamulka Puntland ee Somaliya oo garab ka helaya kooxa huwanta iyo argagixisada ayaa saaka weerar ku soo qaaday fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.  Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo mar kasta diyaar u ah difaac iyo ilaalinta qarannimada ayaa ku dhuftay cadawga soo wareeray dhirbaaxo aanay mahadin, waxaa Ciidamada Maamulka Puntland ee Somaliya iyo kooxaha argagixisada ah laga gubay baabur badan oo tikniko ah, guud ahaana waa la jebiyay. Mar kasta Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland cidna duulaan kuma aha, balse ciddii soo weerarta waxay ka qaadaan tallaabo adag oo lama iloowaan ah."

Illaa iyo hadda ma muuqato wax horumar ah oo dhinacyadu ay ka sameeyeen dagaalka, iyadoona uu gabalku ugu dhacay, halkii uu saakay ka bilowday.

Dagaalkan ayaa imaanaya, xilli maalmihii ugu dambeysay ay wa-xoogaa deganaansho ah ka jirtay magaalada, walow ay dhinacyadu u muuqdeen kuwo ku jiray diyaargarow dagaal.

Tan iyo 6-dii bishii February, Laascaanood ayaa ahayd furin dagaal, waxaana dhowr jeer guuldareystay dadaalo lagu doonayay in dagaalka lagu joojiyo.