Dagaalka labada aag ee Muqdisho oo mid ka mid ah uu istaagay

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa isku fidinaya xaafadda Barmuuda ee Magaalada Muqdisho, halkaas oo illaa shalay galab ay kula dagaalamayeen ciidamo u daacad ah Raysal Wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre.

Wararka ayaa sheegaya in waan-waan nabadeed oo gacan uu ka gaystay Wasiirka Caddaaladda & Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka, Xasan Macalin Maxamuud Sheekh Cali ay horseedeen in marka hore la joojiyo dagaalka, ka dibna laga wada hadlo, sidii Khayre iyo xubnaha la joogaba halkaasi looga saari lahaa.

Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa hadda xaafadda Barmuuda, qaybteeda Degmada Howlwadaag kulan kula leh Khayre, Xildhibaan Maxamed Abuukar Cali (Jacfar), Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka mid ah Xildhibanaada Golaha Shacabka iyo Odayaashii Dhaqanka ee ku go'doonsanaa hoyga Khayre, ee ahaa guddigii dhexdhexaadinta ee Ugaas Maxamuud Cali Ugaas uu hoggaaminayay.

Ciidamo isugu jira Kumaandooska Gorgor, Polizia Militare iyo kuwa Hay'adda NISA ayaa ku sugan aagga.

Dhanka kale waxaa uu weli dagaalku ka socdaa dhinaca xaafadda Mirinaayo ee Degmada Cabdicasiis, oo uu degan yahay Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xoogaga Haramcad ayaa dagaal kula jira taageereyaasha Shariif Sheekh Axmed ee isku uruursaday xaafaddaasi.

Villa Somalia ayaa waxa uu qorshaheedu u muuqdaa in la soo xiro Shariifka, oo ah Hoggaamiyaha Mucaaradka Somaliya ahna xubin ka tirsan Golaha Mustaqbalka Somaliya, oo ah isbahaysi siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, Puntland iyo Jubbaland.

Dagaalka Muqdisho ayaa yimid, ka dib markii mucaaradku ay ku baaqeen mudaaharaad nabadeed, laguna diidan yahay muddo kororsiga hay'adaha dastuuriga, taas oo keentay in dowladdu ay adkeyso amniga magaalada iyo in la xoojiyo dhaqdhaqaaqyada ciidamada ee lagaga hortagayo.

Dagaalkan ayaa baqdin xoog leh ku keenay dadka reer Muqdisho, oo qaar ka mid ah lagu khasbay in ay guryahooda isaga barakacaan.