Dagaalka Militariga Israel iyo Xisbullah oo sii xoogeysanaya

Waxaa sii xoogeysanaya dagaalka fool ka foolka ah ee Ciidanka Difaaca Israel iyo Xoogaga Xisbullah ku dhex maraya deegaanada Koonfurta Lubnaan ee saaran xuduudda labada dal.

Ciidamada Israel oo taageero ka helaya diyaaradahooda dagaalka ayaa isku dayaya in ay ka gudbaan difaacyada Xoogaga Xisbullah, inkastoo ciidamadu ay haddaba dhowr kiilo-mitir gudaha ugu jiraan dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay uu dagaal culus ku dhex marayay meelaha ay difaacyada adag ka xirteen Xoogaga Xisbullah, isla-markaana ay dalka ka difaacayaan.

Warbaahinta Lubnaan iyo Israel ayaa labaduba tebinaya in dagaalka xooggiisu uu ka socdo magaalada istiraatiijiga ah ee Bint Jbeil ee Gobolka Nabatieh (Nabatiyeh). Bint Jbeil waxay qiyaastii 5km u jirtaa xadka kala qaybiya labada dal, waxaana lagu sheegaa inay tahay Xarunta Taliska Hawlgalada Xisbullah iyo xudunta iska caabinta ee Koonfurta Lubnaan.

Warbaahinta maxaliga ayaa sarkaal reer Lubnaan ah oo aan magaciisa la sheegin ka soo xigatay in Militariga Israel ee soo duulay ay u muuqdaan kuwo go'doomiyay magaalada, iyagoo ka soo xiray dhanka Israel, dhinaca Lubnaana ay garaacayaan, isla-markaana ay weli dagaal adag kula jiraan Xisbullah.

Afhayeen u hadlay Militariga Israel oo lagu magacaabo Korneyl Avichay Adraee ayaa Isniintan sheegay in ciidamadoodu ay si buuxda u hareereeyeen magaalada muhiimka ah ee ku taala Koonfurta Lubnaan, ka dib markii halkaasi ay toddobaadkii hore ku dileen sida uu yiri in ka badan 100 dagaal-yahano oo Xisbullah ah.

"Toddobaadkii la soo dhaafay, Ciidamada Israel waxay magaalada iyo hareeraheeda ku dileen in ka badan 100 dagaal-yahano oo Xisbullah ah, ka dib iska horimaadyo fool ka fool ah iyo weeraro xagga cirka ah." Ayuu yiri Afhayeenku.

Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidanka Qaybta 98aad ee Militariga Israel ay soo afjareen hareeraynta Magaalada Bint Jbeil, isla-markaana ay bilaabeen weerar toos ah.

Magaaladan ayaa ah mid ka mid ah goobihii ay sida adag ugu dagaalameen Israel iyo Xisbullah, intii uu socday dagaalkii 33-ka maalmood ee sanadkii 2006, ka dib markii ay xudun u noqotay diidmada Xisbullah ee gumeysiga.

Dagaalka haatan ka dhex socdo Israel iyo Xisbullah ayaa ka dhashay dagaalkii wadajirka ahaa ee Mareykanka iyo Israel ku qaadeen dalkaasi Iran ee bilowday 28-kii bishii February. Weerarada Israel ayaa waxaa ku dhintay 2,055 qof, halka 6,588 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan.

Inkasta oo Iran iyo Mareykanka ay ku heshiiyeen xabad joojin laba toddobaad ah oo Lubnaan ay ku jirto, Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku adkeystay in heshiiska Washington iyo Tehran aanu wax door ah uga bannaanayn xabad joojin laga sameeyo Lubnaan, ayna Israel diiradda saari doonto sida uu yiri hub ka dhigista Xisbullah.

Ka dib markii maalintii 1aad ee xabad joojinta la dhaqangeliyay, Israel waxay sii xoojisay ololaheeda militari ee Lubnaan, iyadoona ay lixaadsadeen duqaymaha ay ka gaysaneyso dalkaasi.

Xisbullah ayaa habeenkii Jimcaha kordhisay tirada gantaalada ay ku garaaceyso deegaanada Waqooyiga Israel, iyadoo lagaga aargoosanayo duqaymaha Israel ee aan cidina loo meel dayeynin.

Ururka Xisbullah ayaa xalay sheegay in Axaddii shalay ay garaaceen 43 goobood, oo Ciidamada Israel ay kaga sugan yihiin Koonfurta Lubnaan iyo Waqooyiga Israel, wuxuuna ururku sheegay in weerarada loo adeegsaday gantaalo iyo drones.

Hoggaamiyaha Xisbullah, Naim Qassem ayaa ku hanjabay in ururku uu ka hortagi doono qorshaha is ballaarinta iyo dhul boobka ee Israel, isagoona Dowladda Lubnaan uga digay in ay heshiis nabadeed la gasho Israel, iyadoo ay xabaddu socoto.

Duqaymaha Israel & gantaalada Xisbullah ee sii socda iyo dagaalka sii xoogeysanaya ee dhulka xuduudda Lubnaan ayaa sababi kara in mar kale uu dagaal ballaaran ka qarxo gobolka. Iran ayaa ka digtay inay dagaalka ku soo laaban doonto, haddii ay Israel sii waddo weeraradeeda dalkaasi Lubnaan.

Qorshaha Israel ayaa ah in ay ciidamadeedu la wareegaan illaa Webiga Litani, taasoo ah ku dhawaad toban meelood meel ee dhulka dalkaasi. Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa sheegay in aan dhulkan dib looga soo bixi doonin, lagana dhigi doono meel laga ilaaliyo amniga Israel.