Dagaalka oo ka sii socdo deegaanka Aboorey ee Gobolka Hiiraan

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Difaaca Shacabka ayaa weli dagaal kula jira maleeshiyada Al Shabaab ee go'doonka ku ah deegaanka Aboorey ee bariga Gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo maanta ku buuxo maalintiisii toddobaad ayaa maalmahaanba si xiriir ah uga socday deegaankan oo qiyaastii 30km dhinaca waqooyi uga beegan Degmada Buuloburde.

Xalay ayaa waxaa deegaanka ka dhacay dagaal iyo duqayn culus, waana habeenkii koowaad oo sidaan loogu dagaalamayo deegaankaasi, duqayna looga fuliyo.

Dagaalkan ayaa waxaa ka qayb qaadanaya Ciidanka Xoogga Dalka oo Kumaandooska Danab ay qayb ka yihiin, Ciidanka Gaarka ee NISA iyo Macawiisleyda.

Taliska Militariga ayaa ciidamada ku boorinaya in ay hore u galaan dhulka Shabaabku ku uruursan yihiin, si loo soo afjaro maleeshiyadaasi, inkastoo maleeshiyadu ay iska caabin sameynayso.

Ciidamada ayaa la sheegay inay xaafad qura isugu geeyeen maleeshiyadan oo ka dhex dagaalameysa godad ay halkaasi ka qoteen iyo weliba dhismaha Masjid goobta ku yaala.

Inkastoo ciidamadu ay waddo walba ka soo xireen maleeshiyadaasi, haddana waxaa ku adag in ay si toos ah foodda u geliyaan goobaha ay maleeshiyadu difaaca kaga jirto, sababtu tahay maleeshiyada oo wax ka soo tooganeysa dhulka ay isu qarisay.

Dagaalkan oo Talaadadii bilowday, illaa Arbacadii ayay maleeshiyadu sameynaysay weeraro ay dib ugu soo riixeyso ciidamada, iyadoo difaaca ka soo baxeysa, laakiin wixii ka dambeeyay saacadihii dambe ee Khamiistii ayaynaan maleeshiyadu ka soo bixin dhulka ay ku uruursan tahay.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Aboorey ayaa la fahamsan yahay in galabnimadii Axadda ay Saraakiisha Turkiga ee ka hawlgalka Saldhigga Turksom ee Magaalada Muqdisho ay weydiisteen in la joogteeyo hawlgalka hawada ee lagu burburinayo difaaca maleeshiyadaasi.

Saraakiisha ayaa aaminsan in maleeshiyadu aysan halkaasi ku sii jiri karin, haddii si sax ah xagga cirka looga garaaco.

Ma jirto cid sheegi karta tirada xubnaha Shabaabka ahi ee halkaasi ku sugan, waxaase la qiyaasaya in illaa dhowr boqol ay gaarayaan.

Shabaabka ayaa waxaa adkaata in si dhakhsa ah looga saaro, marka sidaan oo kale ay godad ugu xaroodaan, sida dhacdayba dhowr jeer oo hore, oo ay ugu dambeysay middii duleedka Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe, markaas oo bishii September ee sanadkii 2023 ay ka soo gudbeen galbeedka Webiga Shabelle ay soo galeen aagga Ciid Ciidka ee deegaanka Cali Fooldheere ee webiga jiinkiisa.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda ayaa la xusuustaa in dhowr toddobaad ay ku qaadatay, sidii ay uga saari lahaayeen godadkii ay dhulka hoostiisa ka qoteen.

Shabaabka haatan ka dagaalamaya Aboorey ayaa 6-dii bishan soo galay deegaankaasi, iyagoo doomo uga soo tallaabay deegaanka Jicibow, soona maray dhulka hawdka ee deegaanka Beera-yabaal.

Shabaabka ayaa raadinayay marin istiraatiiji ah oo gurmadkooda ay marsiin karaan, waxaana uu qorshahoodu ahaa in ay Aboorey uga sii gudbaan deegaanka ku dhegan ee Yasooman, iyagoo is tusay in ay maamuli karaan waddada Yasooman ku xiriiriso Degmada Maxaas ee tagta bariga Gobolka Galgaduud.

Militariga Somaliya oo ka hortagaya is ballaarintooda ayaa si degdeg ah u abaabulay ciidamada oo Talaadadii ku weeraray Aboorey, waxayna sidoo kale ay ciidamadu xireen waddada Aboorey iyo Yasooman, si aanay Shabaabku ugu soo fidin buuraha dhaca Yasooman, haddii ay caqabad ku noqoneyso qorshaha mustaqbalka dhow la doonayo in lagaga saaro daanta galbeed ee Hirshabelle.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage oo maalmahaanba ku sugnaa Aboorey ayaa hawlgalka ay ciidamadu ka wadaan u arka mid macno u leh taliska uu hoggaamiyo.