Dagaalka oo maalintii shanaad ka sii socdo deegaanka Aboorey

Ciidamada ayaa maalintii shanaad dagaal kula jira maleeshiyada Al Shabaab ee labadii cisho ee u dambeysay lagu go'doomiyay deegaanka Aboorey ee bariga Gobolka Hiiraan.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa Difaaca Shacabka ayaa weerar ku haya maleeshiyada ku go'doonsan xaafad ka mid ah xaafadaha deegaankaasi, iyagoona jaray dhammaanba waddooyinkii ay halkaasi uga bixi kareen.
Maleeshiyada ayaa sameynaysa iska caabin, iyagoo qaarka hoose kula jira goodad ay halkaasi ka qoteen, qaarkoodna ay gudaha ugu jiraan dhismaha Masjid goobta ku yaala.
Waxba lagama oga inta uu gaarsiin karo saadka iyo sahayda ay haystaan, waxaase la qiyaasaya in mar kasta oo dagaalka uu sii daba dheeraado ay xaaladdoodu sii adkaan doonto, haddii aysan helin marin badbaado ah amaba aysan go'aansan in ay isa soo dhiibaan.
Dagaalka Aboorey oo qarxay Talaadadii ayaa ka dambeeyay, ka dib markii Shabaabku ay habeenkii Axadda la wareegeen deegaankaasi, Taliska Militariguna uu weerar ku qaaday wax ka yar 48 saac oo ay haysteen.
Maleeshiyadan ayaa qorsheynaysay in ay Aboorey uga sii gudbaan deegaanka Yasooman, si ay ula wareegaan waddada isku xirto Yasooman iyo Degmada Maxaas.
Ujeedka ugu weyn ee ay Aboorey u yimaadeen ayaa lagu sheegay, sidii ay u heli lahaayeen marin ay isugu socon karaan illaa bariga Gobolka Galgaduud.