Dagaalo dib uga soo cusboonaaday Gobolka Shabellaha Dhexe

Inkastoo Gobolka Shabellaha Dhexe ay dhowr biloodba xiisad ka jirtay, haddana waxaa maalmihii u dambeysay ka soo cusboonaaday dagaalka tooska ah ee la doonayo in ciidamadu ay dib ugu qabsadaan dhulkii laga soo saaray billihii hore ee sanadkan.
Ciidanka Xoogga Dalka oo gacan ka helaya kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley ayaa weeraro ku haya maleeshiyada Al Shabaab, si ay dib uga saaraan deegaanadii bariga gobolka ee ay qabsadeen billihii February, March iyo April.
Hawlgalka ayaa ka socdo dhowr jiho oo bariga gobolka ah, gaar ahaan deegaano hoostaga Degmooyinka Raage Ceele, Cadale iyo Alkowsar.
Wararka ayaa sheegaya in deegaanka Wargaadhi oo hoostaga Degmada Cadale uu yahay taliska ugu weyn ee Saraakiisha Militariga ay ka maamulayaan hawlgalkan.
Militariga Somaliya ayaa Wargaadhi u xushay inay ku habboon tahay hoggaaminta hawlgalka Gobolka Shabellaha Dhexe, ka dib markii 16-kii bishii April ay ciidamadu lumiyeen gacan ku haynta Degmada Aadan Yabaal, oo taliska u ahayd goobta laga hoggaamiyo hawlgalada Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Ciidamo u badan Xoogaga Macawiisleyda oo la aaminsan yahay in habeen hore ay ka qalab qaateen Xerada Wargaadhi ayaa wax yar ka dib Salaaddii Jimcaha ee shalay weerar xoogan ku qaaday dhulka hawdka ee deegaanada Daaru-nimca iyo Boos Caamir ee hoostaga Degmada Alkowsar, iyagoona dagaal culus kula galay maleeshiyaadkii Shabaabka ee isku soo fidiyay bishii March.
Wararka ayaa sheegaya in xoogag kale oo Macawiisley ah, kana yimid dhinaca deegaanka Nuur Dugle ay gaareen waddada wareegga ee ku taala hawdka u dhaxeeya Degmooyinka Alkowsar iyo Aadan Yabaal. Waddadan ayaa ah mid ay Shabaabku si weyn u adeegsadaan, marka ay doonayaan in ay isugu socdaan degmooyinkaasi, waana waddada ay uga baxsadaan weerarada xagga cirka, maadaama aysan isticmaali karin waddada kale ee ay dadku maraan.
Taliyaha Macawiisleyda ee Degmada Alkowsar, Cabdulle Yoonis Jimcaale (Cabdulle Jilibey) ayaa wacad ku maray inay deegaanadooda ka xoreyn doonaan niman uu shegay inay ku soo duuleen. Shabaabka ayaa bishii March la wareegay degmadaasi, ka dib maalmo ay weerarayeen.
Gudoomiyaha Guddiga Abaabulka & Taakulada ee Macawiisleyda, Cabdullaahi Macalin Mukhtaar ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay dardargeliyaan la dagaalanka Al Shabaab, isla-markaana ay isu gurmadaan.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in hawlgalada ka bilowday gobolka ay sii socon doonaan.
Taliyaha ayaa sheegaya in iskaashiga Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda uu horseedayo in la xaqiijiyo guusha ah in dalka laga ciribtiro kooxaha argagixisada.
Shabaabka ayaa muddooyinkanba culeys gaar ahi ku hayay deegaanada Hirshabelle, si ka duwan Dowlad Goboleedyada kale ee dalka ka dhisan.
Dowladda Federaalka iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa bishii January maal iyo cududba isugu geeyay Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, taas oo Al Shabaab ay u aragtay khatar dhab ah oo ku soo wajahan, haddii aanay ka hortagin.
Villa Somalia ayaa istustay, haddii Shabaabka laga saaro deegaanada Hirshabelle in sidoo kalena laga saari karo Dowlad Goboleedyada kale ay ku sugan yihiin, iyadoo markaasi awoodda hal dhinac la isugu gaynayo.
Ciidamada ayaa 27-kii bishii January hawlgal sifeyn ah ka bilaabay deegaanada jiinka Webiga Shabelle ee bariga Gobolka Hiiraan, halka bartamihii bishii February-na ay hawlgal la mid ah ka bilaabeen bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, si maleeshiyada Al Shabaab looga saaro deegaanadii koobnaa ee ay xilligaasi kaga harsanaayeen bariga Hirshabelle, ka hor inta aysan ciidamadu u gudbin galbeedka Hirshabelle amaba webiga.
Wax kasta waxay dhanka kale isku rogeyn, ka gadaal markii Al Shabaab ay 20-kii bishii February bilowday weeraro aan horey loo arag, oo ay ku gilgileyso bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, dagaalkiina ay ugu soo rartay deegaanadii xorta ahaa ee bariga gobolkaasi.
Weeraradan oo filan-waa ku noqday Villa Somalia ayaa socday illaa bishii April, waxayna Shabaabku ku qabsadeen Degmooyinka Ceelbaraf, Alkowsar & Aadan Yabaal iyo weliba dhowr iyo toban deegaan oo bariga gobolkaasi ah.
Weerarada Al Shabaab ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sidoo kale curyaamiyay hawlgalkii kale ee Gobolka Hiiraan, maadaama ciidamadii ka hawlgalayay qaarkood loogu baahday, si bal loo joojiyo weeraradii is ballaarinta ee ay Shabaabku ka wadeen Gobolka Shabellaha Dhexe.
Si kastaba ha-ahaatee Madaxda Qaranka ayaa u hanweyn in ciidamadu ay is bedel degdeg ah ka sameeyaan goobta dagaalka.