Dagaalo xiriir ah oo ka socdo Gobolka Jubbada Hoose

Militariga Somaliya oo garabsanaya Daraawiishta Jubbaland ayaa meelo ka mid ah Gobolka Jubbada Hoose kula dagaalamaya maleeshiyada Al Shabaab.

Dagaalka ayaa dhowrkii maalmood ee u dambeeyay si xiriir ah uga socday dhulka ku teedsan deegaanada Biibi, Qumbi, Miido, Harboole, Weel-maarow iyo Dhasheeg Waamo oo hoostaga Degmada Afmadow.

Afhayeenka Ciidanka Jubbaland, G/dhexe Maxamed Faarax Daahir ayaa Arbacadan sheegay in ciidamadu ay haatan hawlgal sifayn ah ka wadaan dhulka u dhaxeeya Degmada Afmadow iyo deegaanka Janaay Cabdalla.

"Culeyska ugu badan wuxuu hadda ka jiraa Afmadow iyo Janaay Cabdalla inta u dhaxeyso oo 60km oo isku wareeg ah. Marka hawlgalka sidaas ayuu u jiraa." Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in hawlgalka xooggiisu uu xilligan ka socdo aagga deegaanka Dhasheeg Waamo, halkaas oo uu ku sheegay xudunta hawlgalka.

"Xudunta hawlgalka waa Dhasheeg Waamo meesha la yiraahdo, yacni Dhasheeg Waamo ayay isugu soo uruursaneysaa culeyska ugu weyn." Ayuu yiri Afhayeenka.

Hawlgalkan ayaa waxaa iska kaashanaya Kumaandooska Danab, Ciidanka Guutada 11aad, Qaybta 43aad ee Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Jubbaland.

Afhayeenka Ciidanka Jubbaland ayaa sheegaya in hawlgalka ay ka qayb qaadanayaan diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ah ee Ciidamada Qalabka Sida ka taageera weerarada xagga cirka.

"Dagaalka waxaa qayb ka ah saaxiibada caalamiga ah oo duqayn cirka ah ka sameynaya." Ayuu yiri G/dhexe Maxamed Faarax Daahir, Afhayeenka Ciidanka Jubbaland.

"Khasaaraha dhankooda inta aan aniga hubo oo Warbaahinta la wadaagi karno, illaa 10 xubnood oo meydkooda ah way ka carareen, waana qabanay, laakiin sida ay dadku noo sheegayaan ama aan cabirayno dhaawac fara-badan iyo meyd fara-badanba way qaateen, howshuna weli ma soo geba-gaboobin oo gacantaa la isku la jiraa." Ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa waxa uu xusay inaanu jirin khasaare uu sheegi karo oo illaa iyo hadda ciidamada ka soo gaaray dagaalka.

Deegaanka Dhasheeg Waamo oo dhaca goob istiraatiiji ah ayaa ah dhul daaqsiimeed oo qayb ahaan hawd ah, wuxuuna ku yaallaa inta u dhaxeyso Afmadow iyo Kismaayo, waana deegaan dhinaca kalena saaran waddada laamiga ee isku xirto Kismaayo iyo Jilib.

Dhasheeg Waamo ayaa xilliyada roobka uruursada oo fariista biyo ballaaran, kuwaas oo ka sameysma balliyo waaweyn oo si dabiici ah ugu kaydsama biyaha roobka. Haddii ciidamadu ay la wareegaan deegaankan ayaa ka dhigan in la jebiyay mid ka mid ah gidaarada difaaca Al Shabaab ee Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe. Shabaabka ayaa Jilib ku leh xaruntooda ugu weyn ee dalka, taas oo si weyn ay ammaankeeda u ilaaliyaan.