Dalalka safka hore oo ciidamo dheeri ah u soo diraya Somaliya

Dowladaha Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ayaa la sheegay inay ciidamo cusub u soo dirayaan Somaliya, si ay Ciidamada Dowladda uga taageeraan wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab.

Wejiga 2aad ee hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ayaa la filayaa in ciidamadu ay ka bilaabaan deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

La taliyaha Amniga Qaranka, Xuseen Sheekh Cali ayaa sheegay in ciidamada ay dalalka safka hore u soo dirayaan dalka aanay qayb ka noqon doonin ciidamadii horey uga joogay, ee ka tirsan Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS.

Isagoo la hadlayay VOA ayuu sheegay in ciidamadan ay muddo sideed toddobaad gudahood ah ku imaan doonaan dalka, si ay uga barbar dagaalamaan kuwa qaranka.

Waxa uu sheegay in doorka ciidamadan uu noqon doono in ay la hawlgalaan Ciidamada Qalabka Sida, ee dagaalka kula jira Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

“Waxay la dagaalami doonaan Al Shabaab, ayagoo garab taagan Ciidamada Soomaaliyeed, qorshuhu waa sidaas." Ayuu yiri Xuseen Sheekh Cali.

Xuseen Sheekh Cali ayaan sheegin tirada rasmiga ah ee ciidamada ka imaanaya dalalkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 1-dii bishii February guddoomiyay shir ay hoggaamiyeyaasha dalalka safka hore ku yeesheen Magaalada Muqdisho, kaas oo looga arrinsaday, sidii loo mideyn lahaa hawlgalada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, iyadoo madaxdu ay fallanqeeyeen hannaanka fulinta qorshaha Muqdisho ee ka soo baxay shirkii 31-kii bishii January ay Caasimadda Muqdisho ku yeesheen Taliyeyaasha Ciidamada Militariga Somaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Shirkan oo ay ka qaybgaleen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya, William Ruto iyo Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa laga soo saaray warmurtiyeed dhowr iyo toban qodob ka kooban.

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Daa’uud Aweys Jaamac oo xilligaasi Warbaahinta Qaranka u akhriyay nuxurka warmurtiyeedka ka soo baxay shirkaasi ayaa yiri “Qodobada ugu muhiimsan waxay tahay in ay isku raaceen wadamadani muhiimadda ay leedahay in si gaar ah loo xushmeeyo midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida Somaliya, isla-markaana ay xorriyadda Somaliya tahay mid lama taabtaan ah, oo dalalka deriska mar walba ay u taagan yihiin in ay xushmeeyaan. Waxaa si aad ah loogu ammaanay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya dadaalkii iyo sida ay u muujiyeen in ay ka go’an tahay inay dalka ka xoreeyaan Khawaarijta Al Shabaab.

Waxa kaloo la isla gartay in loo baahan yahay in taageero hiil iyo hoo-ba lala garab istaago Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya iyo Ciidamadeeda Qaranka howshan ay ku jiraan, ee ah dib-u-xoreynta ama in wadanka laga sifeeyo Khawaarijta dhibaatada ku noqday amniga gudaha Somaliya, khatarna ku ah amniga dalalka gobolka iyo caalamka intiisa kaleba.

Waxaa la isku raacay oo ay soo dhaweeyeen madaxdii ka qaybgashay shirkan dadaalada dhinaca siyaasadda ee Dowladda Federaalka Somaliya ay waddo, gaar ahaan kulamada Golaha Wadatashiga Qaranka oo Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah ay kaga hadlayaan ajandaha iyo in meel la iskugu wada keeno dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab.”

Villa Somalia ayuu qorshaheedu yahay in sanadkan ay ka takhalusto maleeshiyada Al Shabaab, ka dib in ka badan shan iyo toban sano oo ay dalka ka dagaalamayeen.