Danjire Michael Nithavrianakis oo bedelaya Safiirka Ingiriiska ee dalka

Dowladda Ingiriiska ayaa maalin ka hor waxa ay Michael Nithavrianakis MVO u magacawday in uu noqdo Safiirkeeda xigga ee Somaliya.
Michael Nithavrianakis ayaa bedelaya Safiirka Ingiriiska ee haatan u jooga dalka, waa gabadha lagu magacaabo Kate Foster, taas oo dalka ka hawlgaleysay labadii sano ee ugu dambeysay.
Danjiraha cusub ayaa xilka la wareegi doono, inta lagu guda jira bisha soo socoto ee May, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska.
MVO ayaa muddo dheer ka soo shaqeynayay howlaha diblomaasiyadda, isagoona ka soo shaqeeyay dalal badan.
MVO ayaa waxa uu mar Safiir Kuxigeen ka soo noqday dalalka Afghanistan iyo Pakistan.
Diblomaasigan ayaa dalalka kale ee uu ka soo shaqeeyay waxaa ka mid ah Ruushka, Giriiga, Talyaaniga, Sacuudiga, Malaysia iyo Ghana.
MVO ayaa haatan ka hawlgali doona Safaaradda Ingiriiska ee Magaalada Muqdisho, oo London ay dib u furtay sanadkii 2013, ka dib 22 sano oo ay ka maqneyd.
London ayaa sanadihii ugu dambeysay xoojisay xiriirka ay la leedahay Somaliya, iyadoona Muqdisho ka taageerto amniga, la dagaalanka argagixisada iyo dib-u-dhiska ciidamada.


