Darawal mooto bajaaj oo mar kale lagu dilay Magaalada Muqdisho

Laba nin oo midi uu ku hubeysnaa qori AK47 ayaa galabta darawal mooto bajaaj ku dilay Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan nawaaxiga Isgoyska Jubba.

Raggan ayaa dilka ka dib ka baxsaday goobtaasi, iyadoona ciidamada amnigu ay ku daba joogaan.

War ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in raggaasi ahaayeen askar dowladeed, dabagalna lagu hayo.

"Ciidanka Booliska oo baaritaan hordhac ah sameeyay ayaa ogaaday in eedeysanaha falka gaystay iyo midka la socday labaduba ahaayeen askar dowladeed, ragga ayaana goobta ka baxsaday, waxaana socda dabagal lagu hayo. Dhawaan ayaana bulshada la wadaagi doonnaa waxa ka soo kordha." Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Taliska Qaybta Booliska.

Talaadadii shalay ayay ahayd, markii nin askari ahi uu agagaarka Isgoyska Zoobe ku dhaawacay wade mooto bajaaj, kaas oo markii dambe la sheegay in gacanta lagu soo dhigay.

Dilalka darawalada mooto bajaajta ayaa in muddo ahba ku soo badanayay Caasimadda Muqdisho, tiiyoo aad mooddo inaanay jirin cid loo ciqaabo.

Tani ayaa loo aaneeyaa, iyadoo ay inta badan baxsadaan kuwa dilalkaaasi gaysta, oo u badan Ciidamada Dowladda Federaalka.

Warbaahinta ayaa fahamsan inay wax naadir ahi tahay in gacanta lagu soo dhigo dembiileyaasha, si sharciga loogu qaado.

Diiwaanka Hay'adda Dembi Baarista ee CID ayaa waxaa ku cad in ugu yaraan bishiiba hal darawal oo mooto bajaaj lagu dilo Magaalada Muqdisho. 

Muqdisho ayaa xudun u ah goobaha aalaaba lagu dhibaateeyo gaadiidleyda.