Dawo yari soo food-saartay Isbitaalka Guud ee Laascaanood

Wararka ka imaanaya Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in dawo yari ay soo food-saartay Isbitaalka Guud ee magaaladaaasi, xilli dagaalku uu ka socdo hareeraha magaalada.

Talaadadii illaa afar madfac oo ku dhacay isbitaalkaasi ayaa waxaa burburay qaybihii ugu muhiimsanaa ee isbitaalkaasi, sida qaybtii shaybaarka, qaybtii dhiigga lagu kaydinayay, qaybtii carruurta iyo qaybtii kale ee la seexinayay bukaanada qaliinka lagu sameeyo.

Dr. Saciid Axmed Xasan oo ka mid ah dhakhaatiirta qaliinka ee isbitaalkaasi ayaa sheegay in isbitaalka ay gabaabsi ka yihiin dawooyinkii bukaanada lagu la tacaalayay.

Dr. Saciid Axmed oo sheegay inay duruuf adag ku shaqeynayaan ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in ay cabsi xoogani soo food-saartay shaqaalaha isbitaalka, waxaana tan iyo markii uu dagaalka bilowday dhakhaatiirta kaga geeriyootay laba xubnood.

"Xaaladda aan ku shaqeynaynaa way adag tahay, waxaana mar walba kala badan shaqaalaha jooga isbitaalada iyo dhaawacyada la keenayo." Ayuu yiri Dr. Saciid Axmed.

Waxa kaloo uu yiri "Duqaynta ku socota magaalada ama dhibaatooyinka soo gaaray isbitaalada waxay keentay in shaqaale badan oo caafimaad ay magaalada ka baxaan, oo ay ka qaxaan, taasina xaaladda way uga sii dartay."

Dr. Axmed Cabdirisaaq Axmed oo ka hawlgala qaybta xaaladaha degdegga ee Isbitaalka Guud ee Laascaanood ayaa isna sheegay in colaadddu ka jirta magaalada ay saameyn muuqato ku yeelatay howlihii shaqo ee isbitaalkaasi.

Muddada afarta toddobaad ee dagaalku ka socdo magaalada ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 120 qof, halka in ka badan 500 oo kalena ay ku dhaawacantay.

Dagaalkan ayaa waxaa ku barakacay inta badan shacabkii deganaa magaalada, iyadoona uu si weyn u saameeyay goobaha caafimaadka, waxbarashada iyo ganacsigii guud ee magaaladaasi.

Rajada keliya ee dadku qabaan ayaa ah in dhinacyada ku dagaalamaya Laascaanood ay isla qaataan xabad joojin bilaa shuruud ah, taa oo baajin karta in dagaalku sii daba dheeraado.