Degmada Kaxda oo noqotay degmadii ugu horreysay ee laba neef oo geela ku deeqda ciidamada amniga

Maamulka Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa noqday maamulkii ugu horreyay ee laba neef oo geela ku deeqa Ciidanka Xasillinta Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Degmada Kaxda, Cabdullaahi Sheekh Cabdiraxmaan ayaa deeqdan oo lagu dhiirigelinayo ciidamada ku wareejiyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga, Maxamed Cali Xagaa.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in degmadan ay ka timid Degmooyinka Gobolka Banaadir, ee ay maleeshiyada Al Shabaab iyo kooxaha ciyaal weerada ka gaysan jireen falalka ugu badan ee amni darrada, maantana ay ka mid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan.

"Ujeedka aan u soo dejinay ama aanu u soo rognay in la caawiyo ciidanka, waxa weeyaan inaan tusno inaanay kelligood ahayn, inaan tusno shaqadii ay qabteen in looga abaalgudayo iyo in la tuso inaan garabkooda taaganahay, baahidoodana ay shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed oo gacmaha is haysta ay dabooli doonaan." Ayuu yiri Wasiir Xagaa.

Wasiir Xagaa ayaa intaa ku daray "Sidaan ugu diirsanay ayay annaguna noogu diirsan doonaan, sidaan ugu tashanay ayay ayaguna noogu tashan doonaan."

Dhanka kale Wasiir Xagaa ayaa min laba neef oo geela ka guddoomay Wasaaradaha Maaliyadda & Isgaarsiinta, tani oo qayb ka ah dadaalada lagu garab istaagayo ciidamada har iyo habeen u taagan Hawlgalka Ciiltire, ee lagu xasillinayo amniga Caasimadda Muqdisho.

Dhowrkii toddobaad ee ugu dambeysay is bedel dhanka amniga ah ayaa laga dareemayay Magaalada Muqdisho, waxayna tani ka dambeysay, markii ciidan isku dhaf ah lagu wareejiyay nabadgelyada magaalada.