Deni oo sheegay in Puntland ay qabaneyso shir lagu badbaadinayo Jamhuuriyadda 3aad
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland ay qabaneyso shir lagu badbaadinayo Jamhuuriyadda Saddexaad ee Somaliya, isagoona ku baaqay in laga soo wada qaybgalo.
Madaxweyne Deni ayaa hadalkan ku dhawaaqay, xilli uu furayay Kalfadhigga 59aad ee Golaha Wakiilada Puntland oo maanta ka furmay Magaalada Garoowe.
Go'aankan ayaa ku soo beegmaya, xilli uu khilaaf weyn ka taagan yahay wax ka bedelka ay Dowladda Federaalka ku sameysay Dastuurka KMG iyo nooca doorasho ee dalka laga qabanayo oo aan heshiis lagu ahayn.
"Waxaan aad uga xumahay in maanta dalku uu galay xaalad halis ku ah Dowladnimada Soomaaliyeed ee muddada dheer laga soo shaqeynayay. Waxaa meesha ka baxay wax kasta oo heshiis lagu ahaa oo uu u dambeeyay Dastuurkii KMG ee 2012." Ayuu yiri Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland.
Deni ayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in uu diiday in dalka laga qabto doorasho loo dhanyahay oo lagu wada qanacsan yahay, isla-markaana uu mar kasta ka shaqeynayo fashilinta wada hadal kasta, sida uu yiri.
"Xaaladda dalkeennu waxay gaartay in masuuliyiintii dalka u soo shaqeeyay lagu weeraro drone, in laga shaqeeyo xasillooni daro laga abuuro deegaano degan, in ciidamadii lagu taageeray magaca Soomaaliyeed iyo dhaqaalihii lagu helay magaca dalka loo adeegsado burburinta dalka iyo boobka hantida dalka Soomaaliyeed. Dhammaan tallaabooyinkaasi waxaa masuuliyaddeeda qaadaya Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday iyo cid kasta oo kala shaqeysay." Ayuu yiri Deni.
Deni ayaa dhinacyada dalka ugu baaqay "Sidaas daraadeed Dowladda Puntland waxay ugu baaqeysaa dhammaan qaybaha kala duwan ee dadka Soomaaliyeed ee turaaluhu kaga jiro dalka in la isugu yimaado dhakhso, sidii loo badbaadin lahaa Dowladnimada Soomaaliyeed."


