Dhallinyaro hor leh oo lagu xareeyay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Qorilow

Dhallinyaro hor leh ayaa lagu xareeyay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Qorilow ee Gobolka Shabellaha Dhexe, si halkaasi loogu tababaro.
Dugsigan oo ku yaala duleedka Degmada Warsheekh ayaa waxaa Arbacadii booqasho ku tegay Wasiirka Gaashaandhiga, Axmed Macalin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud, si ay u kormeeraan diyaargarowga.
Dhallinyaradan ayaa lagu wadaa in ay qaataan xirfadaha Ciidamada Qalabka Sida, si ay uga qayb qaataan hawlgalada lagu sugayo amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.
Saraakiisha Turkiga ee dalka ka hawlgala ayaa markii ugu horreysay Ciidamada Dowladda Federaalka ku tababaraya Dugsiga Qorilow. Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha labada dowladood ee ballaarinta xarumaha iyo xoojinta tayada ciidamada.
Saraakiisha Dowladda Federaalka ayaa Magaalada Muqdisho ku qoraya dhallinyaro cusub, oo loo qaadanayo inay ka mid noqdaan Ciidanka Xoogga Dalka.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa bishii June Warbaahinta ka sheegay in la qorayo dhallinyaro cusub oo ku biira ciidamada.
Taliska Militariga Somaliya ayaa dhiirigeliya qorista iyo soo xulista dhallinyarada, iyadoo ayna ujeedadu tahay in lagu xoojiyo Ciidamada Qalabka Sida.
Dowladaha Somaliya iyo Turkiga ayaa waxay leeyihiin iskaashi militari, kaas oo inta badan Dowladda Soomaaliyeed lagaga taageero dhismaha iyo xoojinta ciidamada.
Heshiiska labada dowladood ay galeen 8-dii bishii February ee sanadkii 2024 ayaa siinaya Turkiga awood uu ku maamulo, kuna ilaaliyo biyaha Somaliya, isla-markaana uu ku tababaro ciidamadii ilaalin lahaa xuduudaha dhulka, badda iyo hawada dalka.


