Dhallinyaro loo qaatay Danab oo tababar looga furay Xerada Ballidoogle

Dhallinyaro loo qaatay inay ka mid noqdaan Ciidanka Kumaandooska Danab ee Militariga Somaliya ayaa maanta tababar looga furay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Gaashaanle Xasan Tuure (Ex Ballidoogle) ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa tababarka u furay ciidanka cusub ee Kumaandooska Danab, kuwaas oo ay tababari doonaan Saraakiisha Militariga Mareykanka ee dalka ka hawlgala.

Taliyaha ayaa ciidamada ku bogaadiyay go'aanka wadaninimada leh ee ay u qaateen u adeegidda qaranka iyo difaaca dalkooda, isagoona kula dardaarmay in ay muujiyaan dhabar-adeyg, anshax iyo daacadnimo, muddada uu tababarku u socdo.

"Tababarkan wuxuu udub-dhexaad u yahay tayaynta cududda Ciidanka Xoogga Dalka, si loo helo awood ciidan oo leh xirfad iyo hufnaan ay si dhab ah uga adkaan karaan cadowga argagixisada ee caqabadda ku ah nabadda Somaliya." Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Dhulka.

Taliyaha ayaa ciidamadan ku sheegay cutubyo cusub oo ka tirsan dufcadda 12aad ee Kumaandooska Danab, iyadoona uu sugayo jid dheer, oo ay ugu diyaargaroobayaan waajibaadka qaran ee loo igman doono, uguna horreyso difaaca dalka oo ahmiyadda ugu weyn ee laga leeyahay ay tahay la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Waxaa la filayaa in tababarkoodu uu socon doono ku dhawaad hal sano, ka hor inta aan la siin qalabka ay u baahan yihiin ee ay ku hawlgeli lahaayeen.

Kumaandooska Danab ayaa waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah Ciidamada Gaarka ee maanta ay Somaliya leedahay, kuwaas oo ay si gaar ah u tababaraan Saraakiisha Mareykanka ee dalka ku sugan.

Mareykanka ayaa in ka badan toban sano Dowladda Soomaaliyeed ka taageerayay tababarada & tayaynta Kumaandooska Danab, isagoona ku qalabeeya hubka ay ku hawlgalaan.

Xoogaga Danab ayaana Saraakiisha Mareykanka kala shaqeeya hawlgalada hawada ee dalka laga fuliyo, laguna beegsado xubnaha Al Shabaab iyo Daacish.

Xerada Ballidoogle ama Gaashaanle Xasan Tuure ayaa ah taliska ugu weyn ee Ciidanka Danab, waana goobta lagu tababaro, lagana hoggaamiyo hawlgaladooda dalka.