Dhaqdhaqaaq ciidan oo ka socda deegaanada ku teedsan jiinka webiga ee Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaq ciidan uu ka socdo deegaanada dhaca jiinka Webiga Shabelle ee gobolkaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa la sheegaya in dhaqdhaqaaqyadan ay ka wadaan deegaanada ku teedsan webiga jiinkiisa, laga soo bilaabo min Beledweyne, Halgan illaa Buulo Burde.

Ciidamada ayaa isku diyaarinaya wejiga labaad ee hawlgalka ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, ee la doonayo in lagaga saaro dhanka galbeed ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in bariga gobolkaasi ay ku wajahan yihiin Ciidanka Guutada Gumac ee Xoogga Dalka, kuwaa oo maalin ka hor lagu soo bandhigay Dugsiga Tababarka Ciidamada ee General Gordon ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamadan ayaa la hawlgeli doona Ciidanka Qaybta 27aad ee Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda, ee lagu diyaariyay deegaanada bariga gobolkaasi ee ku yaala hareeraha webiga.

Sida uu qorshuhu yahay ciidamadan ayaa la filayaa in dhawaan ay ka gudbaan biyaha webiga, si ay u gaaraan dhulka ay Shabaabku ka maamulaan daanta galbeed ee gobolkaasi.

Ciidamada ayay tahay in ay xoreeyaan deegaano ay ka mid yihiin Qobyaxaas, Mokeyle, Ceelware, Buq Aqable iyo Luuq Jeelow. 

Saraakiisha Ciidamada ayaa mar sii horreysay dadka deegaanka faray in ay isaga fogaadaan deegaanada ku yaala aagga webiga, si aanay waxyeelo uga soo gaarin gulufka ku wajahan Al Shabaab.

Diyaaradaha saaxiibada caalamiga ayaa Talaadadii shalay weerar dhanka cirka ka gaystay deegaanka Mokeyle, oo qiyaastii 42km dhanka galbeed uga beegan Degmada Buulo Burde.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in duqayntu ay ka dhacday garaash ay maleeshiyada Al Shabaab ku sameystaan baabuurta, waxa kaloo sheegeen in maleeshiyada sida booliska oo kale u tababaran ee Xisbada ay duqaynta ka dib isku gadaameen goobtaasi.

Ma cadda khasaaraha nafeed ee duqayntu gaysatay, balse dadka deegaanka ayaa sheegay in duqayntu ay gebi ahaanba burburisay garaashkaasi, ka dib shan gantaal oo ku dhacay.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in duqaynta lagu burburiyay xarun ay Shabaabku ku sameyn jireen walxaha qarxa. Warbaahinta ayaa sheegtay in duqaynta lagu burburiyay ilaa afar gaari oo walxaha qarxa ay ku rarnaayeen, xubno Shabaab ahna lagu dilay goobta.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo bar laga la socdo gulufka Gobolada Dhexe ka sameystay Magaalada Dhuusamareeb ayaa doonaya in marka la soo afjaro Shabaabka Galmudug ay ciidamadu u jiheystaan hawlgalka lagu xoreynayo deegaanada Hirshabelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo leh doorka hoggaamineed ee hawlgalkan ayuu qorshihiisu yahay in maalmo yar gudahood lagu soo afjaro joogitaankii Al Shabaab ee bartamaha dalka.