Dhaqdhaqaaq lagu diidan yahay doorashada Hirshabelle oo ka socda Beledweyne

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo mid ciidan, oo lagu diidan yahay in wax doorasho ah oo la xiriira Dowlad Goboleedka Hirshabelle in laga qabto Gobolka Hiiraan.
Siyaasiyiinta, odayaasha iyo waxgaradka gobolkaasi qaarkood ayaa Beledweyne ka wada abaabul ciidan iyo diyaargarow ku aaddan dhismaha maamul ka madaxbannaan kan Hirshabelle.
Ciidamada dadka deegaanka ayaa loogu talagalay inay taageeraan hannaanka dhismaha maamulka cusub ee la doonayo in laga yegleelo gobolkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in qorista ciidamada dadka deegaanka ay sidoo kale ka socoto qaybo ka mid ah bariga gobolkaasi, si ay uga hortaggaan doorashada soo socota Hirshabelle ee Dowladda Federaalka taageereyso.
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa qorsheynaya in 30-ka bishan ay gobolka ka qabtaan doorasho qof iyo cod ah, oo shacabku ay ku soo dooranayaan Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Hirshabelle.
Xiisadda siyaasadeed gobolka ee aadka u kacsan ayaa caqabad ku noqon karta in doorasho nabdoon oo xasilloon laga qabto degmooyinka gobolkaasi ee horey loo shaaciyay in doorashada ay ka dhaceyso.
Dowladda Federaalka iyo hoggaanka siyaasadeed iyo dhaqanka gobolkaasi ayaa kala dhaqaaqay, ka dib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu taageeray musharaxnimada Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe). Urur Siyaasadeedka JSP ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaamiyo ayaa 13-kii bishan si rasmi ah Cali Guudlaawe ugu xushay inuu noqdo musharaxooda uga qaybgelaya doorashada madaxtinimada Hirshabelle.
Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa horey u sheegay inaanan wax doorasho ah oo ku saabsan Hirshabelle laga qaban karin Gobolka Hiiraan, iyadoo aan siyaasiyan laga heshiin khilaafka taagan.
Khilaafka siyaasadeed ayaa laga cabsi qabaa in uu isku bedelo gacan ka hadal, taasoo saamayn ku yeelaneysa amniga dalka, gaar ahaan midka gobolkaasi.
Khilaafkan ayaa wax aad mooddo dabin ku ah Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, oo Villa Somalia ay ku riixeyso inay Ciidamada Militariga gacan ka gaystaan sugidda amniga ee doorashada laga qabanayo degmooyinka gobolkaasi, xitaa haddii ay noqoto in askartaasi laga qaado Caasimadda Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud oo fahamsan cawaaqibka amni ay arrintan leedahay ayaa ka cararaya in Ciidanka Xoogga Dalka ee deegaanka u dhashay iyo kuwa Macawiisleyda ee ka taageera la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab ay soo banneeyaan furimaha hore ee dagaalka.
Khilaafkan kala irdheeyay reer Hiiraan iyo Dowladda Federaalka iyo Hirshabelle oo isku garab ah ayaa khatar gelinaya wadajirka iyo isku duubnida ciidamada, wuxuuna fursad siinayaa kooxaha argagixisada inay dib u soo xoogeystaan, iyadoo gobolku uu xudun u yahay kacdoonka dadka deegaanka (Macawiisleyda) ee ka dhanka ah Al Shabaab.


