Dhaqdhaqaaq xoog leh oo ka jira bariga Gobolka Hiiraan

Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidan xoog leh oo gurmad ah ay ku qulqulayaan bariga gobolkaasi, ka dib markii maleeshiyada Al Shabaab ay Axaddii la wareegeen deegaanka Ceelqooxle oo hoostaga Degmada Moqokori.

Shabaabka ayaa deegaankan u arka albaab kale oo ay ka soo geli karaan Degmada Moqokori, ka dib markii ay dhowr jeer ku jabeen weeraro ay ku qaadeen deegaanka Ceel-hareeri oo isna hoostaga degmadaasi.

Shabaabka ayaa isku dayaya in ay aagga Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe uga soo gudbeen Gobolka Hiiraan, maadaama Aadan Yabaal iyo Moqokori ay ood wadaag yihiin, si ay isugu xirmaan maleeshiyadooda min Shabellaha Dhexe illaa Galgaduud oo Galmudug ah. 

Sababta ay Shabaabku culeyska u soo saarayaan dhinaca Degmada Moqokori ayaa ka dambeysay, ka dib markii maleeshiyadoodii 16-kii bishii April qabsaday deegaanka Yasooman ee hoostaga Magaalada Buuloburde ay ku guuldareysteen in ay furtaan waddada Yasooman ku xiriirisa Moqokori iyo Maxaas ee dhinaca kalena u furan bariga Gobolka Galgaduud.

Haddaba, iyadoo Militariga Somaliya uu ka hortagayo in Shabaabku ay gobolkaasi ka soo galaan dhinaca Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxa uu ciidamadii ugu badnaa u daabulayaa Moqokori, si halkaasi loo difaaco, loogana saaro deegaanada hoostaga, sida Ceelqooxle oo Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley ay maalin ka hor isaga soo baxeen, ka dib culeys uga yimid maleeshiyada Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in gurmadka ciidamada ay intooda badan isaga imanayaan deegaanada gobolka iyo qaar kale oo diyaarado helicoptero ah looga soo qaaday Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Dowladda Federaalka ay ciidamo hor leh u waddo Moqokori, isla-markaana ay hub iyo rasaas fara-badan ka dejisay degmadaasi.

Odayaasha Dhaqanka ee beesha bariga Gobolka Hiiraan iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo kan Hirshabelle ayaa sidoo kale abaabul xoog leh ka wada Moqokori, si looga hortago duulaanka Al Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kuu sheegaya in inta ay Shabaabku ku sugan yihiin Ceelqooxle aan nabad loogu seexan doonin Moqokori, sidaasi daraadeedna ay si dhakhsa ah ugu hawlgalayaan dib u xoreynteeda.

Saraakiisha ayaa sheegaya in ciidamadu ay iminkaba dul degan yihiin deegaankaasi, isla-markaana ay mudnaanta koowaad siinayaan, sidii looga saari lahaa kooxaha argagixisada.

Warbaahinta ayaa fahamsan in hadafka Shabaabku uu yahay in ay jabsadaan oo qabsadaan Moqokori, ka hor inta aan laga saarin Degmada Aadan Yabaal, iyaga oo dareensan in Dowladda Federaalka ay qorsheynayso in guluf weyn looga kiciyo degmadaasi, oo ay dagaal culus kula wareegeen bishii April 16-keedii.

Shabaabka ayaa Axaddii soo cusbooneysiisay isku dayadooda ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan Moqokori, taas oo ku tusineysa inaysan weli ka quusan qabsashadeeda, xitaa haddii marar kala duwan lagu jebiyay weeraro ay ku soo qaadeen deegaanada ku dhow dhow.