Dhisme dheer oo ku dumay xaafadda Islii ee Nairobi

Xaafadda ay ku badan yihiin Soomaalida ku nool Magaalada Nairobi ee Islii ayaa waxaa maanta ku dumay dhisme dabaqyo badan ka kooban oo weli dhismihiisu uu socday.

Dhismahan ayaa ku yiilay Waddada 9aad ee Islii, gaar ahaan agagaarka Waddada Yusuf Haji iyo Supermarket-ka Day to Day.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dhismahan la qorsheeyay inuu noqdo illaa 18 dabaq, balse xilligii uu dumayay uu dhismihiisu marayay dhowr iyo toban dabaq.

Taliyaha Ciidanka Booliska Nairobi, Issa Mohamud ayaa isna Warbaahinta u sheegay "Gurigu wuxuu ka koobnaa illaa 10 dabaq, balse waxaan filaynaa in tiradu intaas ka badnaan doonto."

Booliska ayaa sheegay in dhismuhu uu soo dumay abaare 1:00 duhurnimo, isla-markaana uu socdo gurmad degdeg ah oo lagu soo samatabixinayo dad la tuhunsan yahay in ay ku hoos jiraan burburka dhismaha.

Shaqaalaha Hay'adda Bisha Cas ee Kenya, Gaadiidka Gurmadka Degdegga iyo Ciidanka Booliska ayaa ku sugan goobta, si ay gacan uga gaystaan baadigoobka dadka naftooda la badbaadin karo.

Issa Mohamud, Taliyaha Booliska Nairobi ayaa sheegay in masuuliyiintu ay uruurinayaan xogta ku saabsan burburka.

Xaafadda Islii ayaa waxay caan ku tahay ganacsiyo iyo suuqyo ay leeyihiin Soomaali, waana suuqa ugu mashquulka badan, uguna dhaqaalaha badan dalkaasi.

Islii ayaa sidoo kale ah xarunta ugu weyn ee ganacsiga iyo nolosha bulshada Soomaaliyeed, waxayna martigelisaa kumanaan qof oo Soomaali ah oo isugu jira muwaadiniin reer Kenya ah iyo kuwo kale oo deegaan ka sameystay xaafaddaasi.