Dibadbaxyo rabshado wata oo ka dhacay Magaalada Burco
Shacabka ku dhaqan Magaalada Burco ayaa galabta dibadbaxyo rabshado wato ka dhigay galbeed magaaladaasi.
Dibadbaxayaasha ayaa dhegxaan ku xiray waddada howlaha u ah isu socodka Magaalada Burco, iyagoo dhanka kalena taayaro ku gubay.
Ciidamada amniga ayaa goor dambe xoog ku kala eryay dibadbaxayaasha oo u badnaa dhallinyaro, waxaana la arkayay iyagoo rasaas ku kala eryaya dibadbaxayaasha.
Isla gelinkii dambe ee maanta dad u badan dhallinyaro wiilal iyo hablaba leh ayaa dibadbax ka dhigay Magaalada Ceerigaabo.
Ma cadda waxa ay salka ku hayaan dibadbaxyadaan, mana jirto cid illaa iyo hadda ka hadashay.
Tani ayaa ku soo aadaysa, iyadoo hal sano laga joogo markii maanta oo kale ay mudaaharaadyo dad ku dhinteen, kuwo kalena ku dhaawacmeen ay ka dhaceen Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo, isla-markaana ay Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ku dalbanayaan in xukuumadda ay qabato doorashada madaxtooyada.






